Hanti-dhowraha Guud Oo Ka Hadlay Dad Boorama, Berbera Iyo Burco Loogu Xidh-xidhay Musuqmaasuq

0
521

Hargeysa (Geeska) – Hant-dhowrka guud ee Qaranka Somaliland ayaa Dad badan u xidh-xidhay Tuhuno Musuqmaasuq.

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir ayaa sheegay in baadhitaano bilihii u dambeeyay ka wadeen Dawladaha Hoose ee dalka iyo Laamaha Dawladda ee Gobollada dalka ay ku guulaysteen inay xidh-xidhaan Dad lagu tuhmay Musuqmaasuq inay ku kaceen, maaddaama oo shaqada Hanti-dhowrku tahay la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Axmed Yuusuf Dirir oo shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Boorama oo keliya maaha ee saddexdii Maalmood ka hor Burco waxaanu soo eedaynay laba Qof, Hanti-dhowr ahaan annagu ma xukuno Qofka ee waanu soo eedaynaa, eedayntaasi markay Maxkamadda gaadho dhinac baanu ka nahay oo waanu la nimaadnaa caddaymahayaga. Markaa Burco laba Qof baa ka eedaysan, Berbera laba ayaa ka eedaysan, Boorama waxa noo eedaysan Dad gaar ah oo Khalkhal ku keenay dakhliga Dawladda oo ka barbar shaqeeyay ayaa noo eedaysan, dhammaantood Dadkaa waxaanu gudbinay oo ay Faylashoodu la yaallaan Hay’adaha garsoorka ee ku shaqada leh, dadkaasi waa Dadka Nootaayooyinka ku shaqaysta, markaa waxaanu ku haynaa inay isticmaalayeen dhukumantiyo been-abuur ah, waxaanu ku eedaynaynaa inay isticmaalayeen Dhukumantiyo Dawladdu leedahay oo been abuur ah.”

Hanti-dhowraha oo la waydiiyey in baadhitaannadooda Musuqmaasuq aanay gaadhin masuuliyiin sar-sare ee Dawladda, balse ay ku koobnaadaan oo keliya, ayaa ku jawaabay “Taa waxa beeninayna Xaqiiqda dhacday, waa markii ugu horraysey ee labadaa sanadood ee aanu hawshaa ku jirnay  in Wasiirro la soo eedeeyo oo ay Xilalkoodii ku waayaan, in Agaasimeyaal la soo eedeeyo oo ay Xilalkoodii ku waayaan oo aanu gudbino Xeer ilaalinta, taasi ku tusaysaa inaanu halkii u sarraysay gaadhnay, hadda ka horna maydaan maqal Wasiir la soo eedeeyay oo Maxkamad loo gudbiyey ama xeer ilaalinta aanu gaadhsiinay.”

 Geeska.net/Hargeisa Office