“Hal Xaaraan Ahi Nirig Xalaal Ah Ma Dhasho”

0
826

Md. Cabdillaahi-cirro

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa xisbiga KULMIYE ku canaantay in mudadii uu talada hayay sameeyay musuq-maasuq iyo cadaalad darro baahsan, waxaanu shacabka u soo jeediyay inay ka codeeyaan.

Md. Cirro oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad loo sameeyay xildhibaano reer Salaxley ah oo ku biiray Waddani oo ka qabsoontay magaalada Salaxley, wuxuu sheegay in xisbiga Waddani uu yahay mid loo dhanyahay oo aan umadda kala qaybinayn. “in xisbiga Waddani loo dhanyahay waxa markhaati ka ah in Waddani xubnaha salaxley ku soo socday ay Somaliland oo dhami u dhanayd bari ilaa galbeed, taas ayaa markhaati ka ah in uu xisbi u halgamaya midnimada Somaliland ee aanu tafaaruruq ku jirin ee aanu nahay xisbi cid kasta ka kooban.” ayuu yidhi Cirro oo hadalkiisa intaas raaciyay “Soomaalidu  waxay tidhaahdaa hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho, KULMIYE xaaraan badan ayuu sameeyay iyo dulmi badan, cadaalad darro badan iyo musuqmaasuq, maanta dekedii Berbera ee isha koowaad ahayd way xidhantahay, waxyaabaha uu sameeyay waa wax taariikhda geli doona, markaas waxaan leeyahay maadaama oo ay ahayd hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhali doonto ee waa inaynu ka tashanaa oo ku halqabsanaa hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho.”