Hal Habeen Oo Aad Seexan Weydo Ayaa Ka Khatar Badan 6 Bilood Oo Aad Cunto Dufanku Ku Badan Yahay Cunto

0
584

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in hurdo la’aanta habeenkii dhibaatada caafimaad darro ee jidhka ay ku keentaa ay xitaa ka khatar badan tahay dhibaatada qofka caafimaadka ka soo gaadhi karta marka uu muddo lix bilood ah si xidhiidha u cuno cunto dufanku aad ugu badan yahay.

Natiijada cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey degelka Internet ka ee Science Daily ayaa daahfurtay in hal habeen oo qofku bilaa hurdo ahaadaa ay boqolkiiba 33 kordhiso xasaasiyadda jidhka ee maadadda Insulin, taas oo cilmi ahaan la mid ah khatarta ay cuntada duxdu ku badan tahay jidhka ku keento, weliba marka uu qofku cuntadaas cunisteeda uu caadaysto muddo aad uga badan lix bilood oo joogto ah, waayo lix bilood oo qofku cuno cunto dufan badan lihi waxa ay xasaasiyadda Insulin hoos u dhigtaa boqolkiiba 21 keliya.

Xeeldheerayaashu waxa ay xaqiijiyeen in hurdo la’aantu ay keento in jidhku si aad u adag uu isaga caabbiyo insulin, marka jidhku Insulin ta diidana waxaa qasab noqonaysa in Insulin dheeraad ah jidhku soo saaro, si uu u ilaaliyuo heerka sonkorta, laakiin aakhirka ay keento sonkorta nooceeda Labaad.

Dhinaca kalana dadka aan hurdada helin habeenkii ama galgasha ee hurdo ku filan seexan waxa ay kula taliyeen in hurdada ka hor ay cunaan xabbad muus ah, waayo waxa uu qofka dareensiiyaa xasilooni iyo in muruqyadu nasasho iyo dabac dareemaan, waxaana ku jira maaddooyin hurdada caawiya.