Hagar Daamadii Sirdoonka. By Ibraahim Qaasim

9
1453

“Nolashii ayey nacsiiyeen Ibnu Salmaan oo Wadaad ahaa waxayna ka dhigeen dadka mukhaadiraadka”

qaasimNolashiisu waxay ahayd mid ilaahay loogu mahad naqo. Wuxuu ahaa wadaad yar oo Alle ka cabsi leh. Wuxuu la noolaa waaliidkii oo salaad salaad kumuu dari jirin. Waxase loo soo diray waxaanu filayn.

Ibnu Salmaan, waxa uu had iyo jeer joogi jiray goobaha cilmiga diinta laga barto, kamuu bixi jirin masaajid, waxaanu inta badan akhriyi jiray quraanka.
Mid ka mida sirdoonka ayaa goor ay cadceedu aad u kulushahay soo istaagay goob ka mida goobaha baska laga raaco ee loo yaqaano istaamada basasaka (Bus stations).

Qiyaastii waa nin konton jir ku dhaw. Dadka ku nool wadamada dhisani sida ay caadada u leeyihiin waxaa jira in qof kasta oo ka mid ah rakaabku goosto tigidhka Baska lagu raaco, mana dhacdo in rakaabka sideena oo kale loo suul dhabaaleeyo.

Wadanka sheekadani ka dhacday waa wadan Muslim ah, waxa uu leeyahay xadaarado soo jireen ah, waxase ku yar hannaanka dimuquraadiyadda, ka hor intii aanu dhawaan uu ku dhuftay gugii carabtay ka hillaacin.
Maktab, Waa nin ka mid ah sirdoonka dalkaas, waxaanu markiiba fadhiistay kursigii uu tigidhka u soo goostay. Nasiib wanaag waxaa ka danbeeya dhawr dumar ah. Dumar iyo dhaga hadal loo kala taag-waa.
Isaga oo aan baski wali ka dhaqaaqin istaankii ayey dumarki hadalo isku tuur tuureen. Ku te’e “Waa qolyaha inoo dalxiiska yimi ee hilib doofaarka soo cunay” tii kale ayaa qosol ku dhuftay oo tidhi “waxaan u malaynayaa inuu  yahay kuwa xaaranta ku naaxay ee cunay xoolihii umada”
Sirdoon Maktab, talo ayaa ku cadaatay. Mar wuxuu is yidhaahdaa maku jeesataa oo dagaal af iyo gacan ah ma ku qaaddaa, haddana waabu iskala han waynaadaa. Hadalkii intaas laguma dayne waa la sii watay. Aakhiirkii uu u adkaysan kari waayey. Raganimo ayuu is biday oo iskaba aamus.

Durba waddihii baska ayaa rikoodhka ku riixay cajalad heeso ah oo uu ku luuqaynayo hobol caan ah oo dalkaas laga wada yaqaan.
Intii jeclayd dhagaha ayey u raaracsheen, qaar kalana dan iyo muraadbay kamay galin, qolo kale oo uu ku jiro Ibnu Salmaan ayaa dhagaha ka furaystay, una adkaysan waayey dhawaaqa ka soo baxaya cod-baahiyaasha baska.
Xaafidul quraan Ibnu Salmaan, damiirkiisa ayaa siin waayey inuu maqlo heesta ka socota baska. Inta uu kor u qayliyey ayuu yidhi “Adeer khayr qaboow innaga bakhtii camal shaydaanka”
Maktab oo cadho hore u qabay dumarkii iska fadeexadeeyey ayaa is kala garan waayey oo inta uu sara kacay dirawalkii baska ku yidhi “noo dallac, oo waliba hadaad hayso mid ka macaan noogu rid yaakhi”

Ibnu Salmaan, ayaa jaleecay dhabarkiisa. Waaba konton jir bidaar leh oo indhaha isku haya. Yarkii inta uu naxdin kala qaboobay ayuu yidhi “Ilaahay ka cabso aabahay oo kale ayaad tahaye” Maktab inta uu madax ku dagaalay ayuu yidhi “wiil yar oo gadh yuuban waan kaa aqaanaaye ka fadhiiso baska”
Baskiiba durba dhaqaaq oo sida muuqata kursiga Ibnu Salmaan ayaa la sugaayey. Ibnu Salmaan Axaadiis ka hadlaysa camalka shaydaanka iyo dhagaysiga heesaha ayuu kula dul dhacay rakaabkii baska saarnaa, kuwaas oo badan-koodu u qushuucay hadalada Sheekha.
Maktab, cadho saa’id ah ayaaba ku sii biirtay. Wakhtigii yaraa ee lagu sii jiray jidka, waxaa rayigiisa ku soo dhacay aar gudasho. Wuxuu damcay inuu wadaadkaa aan waxba galabsan ku sameeyo wax aanu ciqaab aanu weligii ka soo waaqsan.
Techonolgy-da horumartay ayaa wax walba ka dhigtay waxaan kaa fogayn. Xarun boolis halkii ugu dhawayd ayuu fariin qoraal ah u diray. Goobtii markuu baska soo gaadhay ayuu yidhi “Ii jooji halkaas”

ariinta uu diray ayaa Ibnu Salmaan ku noqotay u qaadan waa, waxa uu ku eedeeyey inuu been ka sheegay ayaadka Rabi Swt. “Mid yar oo gadh yuuba ayaa ayaado quraana beeniyey ee laamiga ### soo istaaga”

Durba baskii sida rooxaanta loogu soo daaday. Rakaabkii baska saarnaa ayaa amakaag iyo u qaadan waa ku dhacay, waxay indhahooda ku arkeen yarkii Sheekha ahaa oo si arxan daro ah loogala dagay, jujuubna lagu saaray gaadhi ay wateen boolisku.

La sco qaybta 2-aad

Comments are closed.