“Haddii Shidaalkaas Lagu Guulaysto Wixii La Sheegay Ayaa Dhab Noqon, Haddii Laga Waayana Beenba Way Noqon”

0
469

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay shirkadaha sahaminta shidaalka ka wada deegaano ka mid ah Somaliland oo aanay raali ka ahayn qaar ka mid ah dadka degan deegaanadaas laga baadhayo.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay abaarta dalka ka taagan iyo sicir bararka, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Madaxweynahani waa Madaxweynihii ugu horeeyey Somalland ee yidhaahda dalka Shidaal ka baadha, waana Madaxweynaha aynu dooranay ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ILLAAHAY waxaan ka baryayaa inuu inagu guuleeyo arinkaas, waxaana jira balo doon iyo wanaag doon, ee wixii balo doon ah waxaan leeyahay wanaaga doona”.

Mar aanu Suldaanka wax ka weydiinay in Shirkadahani shidaal dalka ka badhaan iyadoo aan Golaha Wakiilada la sii marin wuxuu yidhi “Ilaa qiyaamihii ayaanu maqlaynay dalka Shidaal baa ka buuxa, haddii Shidaalkaas lagu guulaysto oo la helo wixii la sheegay ayaa dhab noqon, haddii laga waayana beenba way noqon, markaas weynu maqli jirnay shidaal baa dalka ka buuxa, ee maanta xaqiiqda la taabanaye dadku arinkaas ha soo dhaweeyaan baan leeyahay”

Isagoo shacabka la hadlaya wuxuu Suldaanka guud yidhi “Dadka waxaan ugu baaqayaa in wixii sako laga rabo, inay xoolahooda sako ka bixiyaan si naftoodu u badbaado, haddii ay dadku kaydsadaan xoolahooda, oo sakadii ku waajibtay ee xaqa loogu lahaa ay bixin waayaan, ILLAAHAYNA nimcooyinkiisa uu kaydsadaa,roobkiisana uu ceshada, markaas dhibaatada abaartu waa halkaas, ee ILLAAHAY ha loo toobad keeno, dadkuna ha is taafurilaystaan, dadka sakada aan bixina ha bixiyaan”.

Mar uu ka hadlaayey Sicir bararka iyo qiimaha sarifka ee sare u kacay wuxuu yidhi “Anigu sayladaha sarifka ma aqaano, haddii la saaro sarifkana lacag dulsaar ah, waa ribo, ILLAAHAYNA ma ogola, markaas in laga feejginaado weeye”.