“Haddii Murashax Sacad Muuse Ah La Doonayo Anigaa Murashax Ah Ee Ninka I Reebayow I Reeb”

0
596

Picture3Hargeysa (Geeska)-Gudddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee  Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), inay jiraan Siyaasiyiin ka daba hadla Madaxeynaha oo ku jira Xisbigiisa, isla markaana ka daba sheekeeya Madaxweynaha, oo yidhaahda maaha Musharax, waxaanu xusay in haddii la qabyaladeeyo Musharaxnimada uu isagu noqon doono Musharaxa ugu horeeya ee reerka uu ka soo jeedo.

Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Madaxweynaha iyo doorka uu ku leeyahay Siyaasada dalka, waxaanu sheegay inuu Madaxweynuhu aanu wax badan ka ogeyn marxaladaha kala duwan ee uu dalku marayo.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani  Cabdiraxmaan Cirro, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inuu marka uu yahay dhinaca Waddani uu weji wanaagan iyo kalsooni uu kula socdo, marka uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada uu yahay uu ka shakiyo inuu Xukuumadda la socdo, waxaanu xusay inuu shaki aad u badan uu ka muujiyey Xeerka Diiwaangelinta  ee murankiisu taagan yhay iyo Guddida Komishanka Doorashooyinkan oo aan ilaa hadda la ansixin, “Wadankan Dastuur iyo Sharci waxa ugu dambeeyey maalintii la dhaariyey Madaxweyne Axmed Siillaanyo, ilaa maalintaas ilaa maanta waxa aanu anagu bariyeynaa oo aanu mar walba ku celcelinaynaa in Sharciga lagu dhaqmo ,oo loo wada hogaansanado, oo loo sinaado, Shacabka Somaliland iyo inta xogogaalka ahi waxa ay markhaati iyo marag nooga yihiin in wax sharci loo adeegsadaa aanay jirinm iska daa xita waxa ay xaq u leeyihiin inay fuliyaan waxa ay u maraan waddo aan sharci ahayn, markaas haddii ay Sharciga u soo noqonayaan cida sharciga ka baxsani waa Xukuumada iyo Inamada isku haysata inay sharciga ka weyn yihiin, laakiin anagu Sharciga ayaanu u hogaan sanahay, mar walba waanu taageersan ahay in lagu dhaqmana waanu ogol ahay, in loo wada hogaasanadaana waanu ogol nahay”.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu raaciyay intaas, “Arimaha kale ee laga wada hadlaayey ayaa waxa ka mid ahayd in  Madaxweynaha Doorashadii ka go’an tahay, in Labadii Doorasho uu doonayo in la wada qabto,sidaas oo kalena uu isagu yahay Musharax laakiin Xisbigiisana waxaa laga wadaa wax kale.Dad gaar ah baa Xisbigii ka dhex shaqaynaya, oo si qabyaaladaysan uga dhex shaqaynaya oo iyaguna leh Madaxweynaha waa Beentii,Musharax Maaha,Doorashada dib baanu u dhigaynaa, Hebelow hebel baa Musharax noqonaya,Hebel kale ayaa Musharax ah,Hebel Heblaayaa soo dirtay,hebelna hebel buu u socdaa,waa waxaan la fahmayn oo markaad Xisbi ahaan u eegtana ceeb ku ah,Qaran ahaana Ceeb ku ah”

Cali Guray mar uu hadalkiisi sii wata ayaa yidhi “Waxaan u sheegayaa haddii Musharax Sacad Muuse ah la doonayo,Anigaa Musharax ah ee Ninka I reebayow kaalay,Mar haddii Qolonimo iyo Reer-nimo la isku soo sharaxayo Anigaa Musharax ah.haddii Xisbinimo la isku sharaxayana Kulmiye waxaa u musharax ah Madaxweyne Siilaanyo, Ucid-na Jamaal,sidaas baanan u sheegayaa kuwa waxaas wada”

Cali Guray oo sii hadlaya ayaa yidhi “Madaxweynuhu wax badan ma Oga,sida uu isaguba sheegay ,in Wariyeyaashii ugu badnaa la xidh-xidhay oo Gabiley qaar lagu xidhay oo Gar adag qaar lagu xidh-xidhay ma oga, Madaxweynuhu ma Oga inta Aqal ee RRU-du u daadatay ee Kan Mulkiilaha Horn Cable ugu dambeeyay,Madaxweynuhu ma Oga in Xisbigiisu wax kale wado Xukumadduna wax kale wado”

Mujaahid Cali Guray ayaa mar uu ka hadlaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xisbiga Waddani ayaa  yidhi “Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu waa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Wadanku waxa uu marayaa xaalada adag, oo uu xaniban yahay Xeerkii Doorashadu, sidaas oo kalena uu Komishankii Doorashooyinku aanay shaqadoodii aanay gelin, marka uu Guddoomiyuhu yahay Guddoomiyaha Waddani waanu wada socnaa, Waddani, oo labadayda Doorasho u joog ayaaanu nahay oo wey naga go’antahay, laakiin waxa nasiib daro ah marka uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada uu yahay, inay wada socdaan ayaad mooda Xukuumadda, oo ay waxa kale isku og yihiin, oo aan ahayn waxa ay isku og yihiin Waddani iyo UCID, oo ah Doorasho.waxa aanu filaynay in Saacadan adag, (Eeg Bogga 7aad)

madaama uu yahay Guddoomiyihii Wakiilada inuu doorashada nala Riixo oo isagaa dadka la haysto ka mid ah ee uu is baraxo laakiin, aad baanu uga xunahay Xukumaddan,Guurtida iyo Wakiilada oo Xeerkiina isku dhex wareejinaya oo midba mid ka kale ku riixayo,Komishankii inuu hawshiisa galena iyagu ka hortaagan, Komishanku waa diyaar,

inay hawl galaana diyaar ayey u yihiin, laakiin intaas oo dhan ayaa hortaagan, beena waxa loo sheegaya  qaadhan bixiyayaasha oo 80% bixinaya kharashka ku baxaya Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka, qaadhan bixiyayaashana waxa loo sheegay in Doorasho diyaar loo yahay, oo waa run Miisaaniyada 2015 waa lagu daray labadooda oo isa saara,laakiin Inamankan yackooga ciyaara ee ka ciyaara dadka iyo Xisbiyada dhexdooda, waanu uga digayna haddii kale toos ayaanu u sheegi magacyadooda’e, waxaana leeyahay Siyaasada ha loo daayo Siyaasiyiinta, oo reer Xisbi keliya lehi ma  jiro, waxa aan leeyahay Xisbiyadooda dhexdooda ha laga tartamo, laakiin ayaan lala tagin Siyaasada ardaayada iyo reeraha dhexdooda”.