Hadallo Hogo-Tusaalayn Iyo Duruusi Ah Oo Laga Reebay Mufakir Weynaa Ee George Daraabishi

0
843

George Daraabiish oo ahaa maan-maal Suuriya u dhashay oo ku xeeldheeraa suugaanta, cilminafsiga, Falsafadda iyo daraasaynta diimaha iyo taariikhda, dhowaanna ku geeriyooday 77 jir, isla markaana waqtigiisa intiisii badnayd u huray in afcarabi uu ku turjumo kutubta Mufakiriinta ugu waaweyn reer galbeedka, sida Sigmud Freud oo ku xeeldheeraa cilmiya caafimaadka nafsiga ah iyo neerfuhu ka mid yihiin iyo Faylasuufkii weynaa ee Faransiiska Jean-Paul Charles oo uu ka turjumay illaa 30 buug. Guud ahaan buugaagta cilminafsiga, falsafadda iyo caafimaadka ee uu ka soo turjumay xeeldheerayaashii hore waxaa ay gaadhayaan illaa 200 oo Kitaab.

1

George Daraabishi waxa uu leeyahay hadallo marka macnahooda aad loo dhugto u taagan xikmad ballaadhan oo laga akhrisan karo wax yaabo badan oo nolosha waaqaca dunida joogta ah. Hadalladaas oo qaar ka mid ah Geeska Afrika u soo turjumay akhristayaashiisana waxaa ka mid ah:

1. Sheeko kasta oo ku saabsan dib-u-habayn siyaasadeed, oo haddana la doonayo in aan laga bixin xayndaabka aqoontii hore iyo fahamkii dhaqanka ahaa, waxa ay ka dhigan tahay biyo la xardhayo.

2. Akhrisku waa balwaddayda koowaad:

– Berigii hore, ma’aan akhriyi jirin wax aan taageero ama naqdi fikir hore ahayn.. kadib waxa aan bilaabay in aan akhriyo wax ka fog la jiris iyo naqdi.

– Berigii hore waxa aan wax u akhriyi jiray in aan laba fikir kala xukumo oo keliya, markii dambe waxa aan bilaabay in aan wax u akhriyo si aan cilmi u korodhsado.

– Berigii hore wax kasta oo aan akhriyo waxa aan kula noqon jiray (Ku qiimayn jiray) wixii aan hore u aqaannay, markii dambana waxa aan bilaabay in wax kasta oo aan akhriyo aan u qaato wax aanan hore u aqoonin (Cilmi ii kordhay).

3. Aqoonteenna hore hiddaha iyo dhaqanka ahayd, waa in aynu isku xidhno fahamkii casriyadii hore shaqaynayey ee macnaha lahaa, laakiin maanta aan waxba soo kordhinayn, waxa aynu u baahannay in aynu ka jawaabno su’aalaha ubadkeenna oo aynu siinno jawaabtii awoow laga filan lahaa. (Fikir iyo cilmi cusub)

4. Cadowga Dimuqraadiyaddu waa in aynu u qaadanno in ay wax kastaa ku dhan yihiin. Mushkiladda ugu weyn ee dunida carabtuna waa in aynu dimuqraadiyaddii ka soo qaadannay muuqaalkeedii duleed oo kelya, kaas oo ah sanduuqa cod-bixinta.