Hargeysa(Geeska):-Kulan ay soo qaban qaabisay Haayada Tayada iyo Illaalinta Allaabooyinka Somaliland oo ku saabsana Siyaasada iyo Illaalinta Tayada Dawooyinka ayaa ka qabsoomay Hotel Imperial ee Magaalada Hargeysa.
Waxaana kulankan oo socon doona muddo Laba maal mood ah lagu falan qayn doonaa sidii looga hortagi lahaa in dalka ay soo galaan dawooyin aan tayadoodu fiicnayn,waxaana ka soo qayb galaya guddoomiyaha Haayada Tayada iyo Illaalinta Allaabooyinka Somaliland Md:Cali Maxamed Cabdalle( Biikalo),Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka badaha,Agaasimaha guud ee Warshadaha Somaliland Md:Cali Jaamac Faarax (Buureed),guddoomiyaha gudida mihnad-layaasha Caafimaadka Somaliland,qaar kamid ah ganacsatada Dawooyinka iyo ka soo qayb galayaal kale oo aad u tira badan.
Waxaana ugu horeyn kulankaasi furay guddoomiyaha Haayada Tayada iyo Illaalinta Allaabooyinka Somaliland Md:Cali Maxamed Cabdalle(Biikalo),waxaana uu faah faahin ka bixiyey u jeedada kulankan,isaga oo sheegay in ay uga danleeeyihiin sidii loo Illaalin lahaa in ay dalka soo galaan Dawooyin ay tayadoodu aad u sarayso.
"Kulankan oo aad iyo aad muhiimad noogu leh,waa kulan ay u jeedadiisu tahay in aanu halkan ku bixino Siminaar ku saabsan Siyaasada iyo nidaamka aanu ugu talo galnay in ay raacaan ama lagu keeno dalka Dawooyinka oo runtii ahaa mid ay muddoba ay shirkadaha dalka Dawooyinka keenaa ay ku soo wada shaqaynaayeen,imikana aanu ugu talo galnay dar-dar galin iyo cusboonaysiin iyo waxyaabaha aanu ku soo darnay maadaama xeerkii Haayada dhawrista tayadu ay ku shaqo lahayd oo muddo runtii door ah aanu hawshiisa ku jirnay"Ayuu yidhi Cali Biikalo
Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga Somaliland Md:Cali Jaamac Faarax(Buureed) oo isna kulankaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah ay leedahay Illaalinta Tayada Dawooyinka iyo sida oo kale guud ahaanba Allaabooyinka soo galaaya.
"Sidii uu guddoomiyahuba uu sheegay inaga muhiimada ina saarani waxa weeye waxa aynu wadanka u keenayno oo ay dadka ganacsatada ahi ay keenayaan ama wadanka laga soo saarayo in runtii laga taxadaro fayo qabkooda sababtoo dee haddii wax dhibaato wadanka u keenaya waaa inagiiyoo lugta is goynay oo kale ayaa ay la mid tahay"Ayuu yidhi Md:Cali Jaamac Faarax (Buureed).
Waxa sida oo kale halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaarada Warshadaha Somaliland,guddoomiyaha ururka xirfadlayda Caafimaadka,iyo sida oo kale qaar ka mid ganacsatada soo dajiya Dawooyinka Somaliland ayaa dhamaantoodba ku dheeraaday muhiimada gaar ka ah ee leedahay Illaalinta Tayada Dawooyinka Somaliland uga imanaaya dalalka shisheeye.
Ugu danbayntiina waxaa kulankaasi ka hadlay guddoomiyaha shirkada soo dajisa Dawooyinka ee DIWA Md:Yuusuf Cabdulle Barre,waxaana uu sheegay in ay ka ganacsato ahaan ay mar walba ku dadaalaan sidii ay dalka u keeni lahaayeen Dawooyin ay tayadoodu sarayso.
"dawadii cusbayd ayaa meel walba taala oo dee waxkaydinta ayaa aynu ka saraynaaba oo wadankeena dawada timaada iyo way kala badan yihiin dawada aynu inagu isticmaalnaa,markaa dawo aad u fara badan ayaa taala,markaa baahi inoo qabanaysa in aan wax macmalno runtii aniga meesha iigama muuqato"Ayuu yidhi Yuusuf Cabdulle Barre.