Guusha Orodka Iyo Ciyaaraha Kala Duwani Xidhiidh Ma La Leedahay Hidde Sidayaasha Cadaanka Iyo Madowga?

0
51

Saynisyahan ku xeeldheer cilmiga hidde barashada (Genetics) oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa bishii labaad ee 2020 ka waxa uu soo saaray buug uu u bixiyey ‘How to argue with a racist’ oo uu ku burinayo aragtida dhaqanka iska noqotay ee ah in kala horumarista iyo kala xoogweynaanta aadamuhu ay xidhiidh la leedahay isirka iyo midabka. Kuwaas oo ay ka mid tahay in dadka madowga ahi ay dhinaca orodka kaga dheereeyaan kuwa caddaanka ah, taasina ay tahay sababta inta badan billadaha orodka ay u qaadaan ciyaaryahanno madow ahi. In dadka Yuhuudda ahi ay dadka kale ee adduunka oo dhan kaga fiican yihiin maamulista iyo kala dhigashada maaliyadda, in ardayda ka soo jeedda qaaradda Aasiya ay maadadda xisaabta uga faham badan yihiin ardayda qaaradaha kale. Laakiin waxa uu qoraagu isla buuggiisan ku xusay suurtagalnimada in sababta ay Maraykanka madow isboortiga ugu horreeyaan ay tahay mid la xidhiidha dhinaca abuurta.

Adam Rutherford oo ah qoraa buugaag kala duwan leh, sida oo kalana ka tirsan talefishanka BBC-4, ayaa buuggiisa ku qoray in sheegashooyinka noocaas ahi ay yihiin sheeko baraley asalkeeda hore ka timid dad cunsuriyiin ah. Isaga oo taas marag uga dhigtay in ay jiraan dad badan oo aqoon iyo doonis leh, kuna dhiirraday tijaabooyin kala duwan, in ay guuldarraysteen iyada oo aanu waxba ka caawin midabkoodu ama hidde-sideyaashoodu.

Orodyahan caddaan ah oo qaada biladda orodka caanka ah ee boqolka Mitir waxaa ugu dambeeyey sannadkii 1980 kii oo uu ku guulaystay Alan Wales oo Maraykan ahi. Intaa wixii ka dambeeyeyna waxaa dunida orodka la wareegay xiddigo madow ah, arrintaas oo caawisay aaminsanaanta soo shaac baxday ee sheegaysay in dadka asalkoodu Afrikaanka yahay ay leeyihiin. Dheeraad Bayooloji oo u suurtagelinaya in ay ku horumaraan ciyaaraha uu orodku ugu horreeyo. Laakiin Adam Rutherford waxa uu buuggiisan ku sheegayaa in sheegashadaasi aanay cilmi ahaan sugnayn.

In ay jiraan sababo aan tiro koob lagu samayn Karin oo qayb ka ah awoodda uu qofku u leeyahay in uu tartannada daalka keena ku guulaysto. Waxaa ka mid ah qarada (Xajmiga) wadnihiisa, badqabka iyo heerka caafimaad ee jidhkiisa, awoodda jidhkiisu u leeyahay nuugista ogsajiinta, jilicsanaanta ama dabacsanaanta xaglihiisa iyo is raacsanaantooda iyo awoodda muruqyadiisa. Waxa kale oo iyaduna jira sababo la xidhiidha xaaladda nafsadeed ee qofka oo ay ka mid yihiin sida ay guushu qofka niyad ahaan uga go’an tahay, sida uu arrintan xoogga u saarayo iyo awoodda uu u leeyahay go’aan qaadashada.

Adam Rutherford waxa uu sheegay in dadka inta badan kaalmaha hore ka gala ciyaaraha xoogga jidheed ku xidhani ay yihiin kuwo ay ku badan yihiin unugyada muruqyada oo si degdeg ah u soo saaraya tamarta uu qofku u baahan yahay. Marka arrintaas si cilmi ah loo eegana waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in ay la xidhiidho hidde side lagu magacaabo ACTN3. Daraasado dadka Maraykanka ah lagu sameeyeyna waxa ay daahfureen in qiyaas ah boqolkiiba 96 dadka madowga ah ee Maraykanku ay leeyihiin hidde sidahan, halka dadka caddaanka ah eel eh ay tiradoodu tahay boqolkiiba 80. Laakiin arrintani ma muujinayso in hidde sidahani uu sababta ugu weyn ka yahay in madowgu kaalin sare ka galaan tartannadan, maadaama oo laga yaabo in sababta ay madowgu ugu badan yihiin ay tahay iyada oo marka horeba dadka tartamada noocan ah gala ee madowga ahi ay ka badan yihiin caddaanka ka qaybgala. Waxaana taas caddayaya in ciyaaraha culays qaadista iyo legdinta ciyaaryahannada suunka qaadaa ay u badan yihiin caddaan, iyada oo ay sababtuna tahay in marka horeba ciyaartan ay caddaanku ku badan yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.