“Guurtida Waxaan Kula Talinayaa Inaanay Wakhtiga Lagu Heshiiyay Waxba Ku Darin”Xildhibaan Maxamed Jaamac

0
651

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Jamaac Axmed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay muddo kordhinta Xukuumadda ee ay ku heshiiyeen Xisbiyadu ee dhawaan loo gudbiyey Guurtida si ay u meel mariyaan, waxaanu Golaha Guurtida uga digay inay muddo dheeraad ah ku daraan muddadaas lagu heshiiyey, inay ka yareeyaan mooye.

Xildhibaan Maxamed Jamaac Axmed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Guddidu Doorashooyinku waxay sheegeen in wax walba diyaar ka yihiin, oo aanay waxba qabyo kaga ahayn, balse duruufta abaarta jirta awgeed ay adag tahay in Doorashada la qabto, madaama dadku intooda badani ay ka hayaameen goobihii ay ka codeyn lahaayeen, ee kaadhka loogu gayn lahaa, sidaas oo ay tahay muran dheer kadib iyadoo laga mashquulay dadkii abaartu aafaysay, laguna mashquulay Doorashada haddii lagu heshiiyey in madaama ay abaari jirto in dadka ay abaartu hayso loo gurmado, oo Doorashada la qabto bisha tobanaad ee sannadkan, waxaan Guurtida kula talin lahaa in aanay wakhtigaas lagu heshiiyey waxba dhaafin, inay wax ka dhimaan mooye, waliba waxaan odhan lahaa saddex todobaad ka hor ka dhiga go’aankiina, ALLENA waxaynu ka baryeynaa inuu abaarta inaga dulqaado, oo uu inoo naxariisto”.

Xildhibaan Maxamed Jamaac Axmed, ayaa dhanka kale wuxuu ku baaqay in aan la joojin gurmadka dadka ay abaaruhu hayaan, ee loo dadaalo, lana caawiyo, waxaanu sidoo kale baaq nabadeed u diray beelo dhawaan ku dagaalamay deegaanka Ceel Afweyn, oo uu ugu baaqay inay dagaalka iyo colaada joojiyaan, oo ay nabada qaatan.