GUUGUULE IYO MAANTA

38
3002

Marxuumkii Cigaal wuxuu ahaa macalin ciddii duruus siyaasadeed doonaysay  ay ka faa’iidaysan karaysay. Gees baa yidhi, anigoo la socda wefti uu Cigaal horkacayay ayaanu Masar kula kulanay wasiirkii waxbarashada iyo beeraha ee Masar Mr. Yuusuf Waali. Cigaal iyo wasiirkii reer Masar waxa dhex martay dood iyo muran dheer oo ku saabsan Maraykanka oo uu wasiirka Masriga ahi eeddo u jeediyay, Cigaalna difaacayay. Gees iyo Fagadhe oo weftiga marxuumka la socday waxay la yaabeen murankaas oo ay u arkayeen mid aan dantii ay u socdeen ku jirin. Laakiin markii dambe waxay ogaadeen in wasiirku ahaa dadka Maraykanka aadka ugu dhow dhow oo uu dabadeed baadhayay afkaarta siyaasiga ah ee Cigaal, Marxuumkuna wuu fahmay oo waa kaas isagii Maraykan difaacay. Alloow kuu naxariiso waa bil Ramadaane.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here