Mujaahidkii Maxamed Kaahin iyo xoghayayaashii maxaa soo dhex galay. Kii Hargeysa shalay barqadii ayuu is dhaafiyay, nin sannado badan Gabiley xuurto ku haystayna isna wuxuu u diray fasax dheer. Waxa la yidhi jabhadu meesha ay ka shakiyaan waxay ku ridaan xabad yool baadh ah, markaas waxaan isleeyahay labadan xoghaye waa yool baadhkii u horeeyay.