GUUGUULE IYO MAANTA

58
4421

Dadkan seefta dhaliisha kula deg-degaya Mujaahidka, anigu waan ka fikir duwanahay oo waxaan la haystaa maansadii Dirsooc ee Marxuum Ibraahim-gadhle uu ka tiriyay shirkii SNM ee Baligubadle, mana dheera wakhtiga aynu su’aalaha abwaanku isweydiinayo u heli doono jawaabo. Marxuumku wuxuu qaybo ka mid ahi maansadiisii ku yidhi:

Ma mid nooga dara oo dabka naga bakhtiiyiyo

Ma habeen damay dhali

  • Mise waa dillaacoo dalka noo iftiishiyo

Duhur iyo cadday dhali

  • Ma mid doogta kiciyoo nabarkaan dawee idhi

Nagasii damqay dhali

  • Mise wiil digtooroo naga baanta diiftoo

Na dabiibayay dhali

  • Xoolaha dad weynaha ma mid daanka geliyiyo

Doolar urursaday dhali

  • Mise dhaqaalahaa dumay dib usoo kabaayoo
  • Wey dihintay ciiduye waxa dahab ku hoosjira

Nooga dooxabay dhali…………

  • Sidii daallinkii hore ma mid daaradiisuun

Derejada ku kooboo inta kale dulmay dhali

  • Mise doorkan maanta ah; dadku mid uu usimanyahay

iyo damal la hadhsaday dhali

  • Sida daallinkii hore; duul wada walaalo ah

Ma mid kala durkinayiyo Beelo kala diley dhali

  • Mise doorkan maanta ah, mid dadkaa is wada nacay isusoo dabaaloo
  • Damal la hadhsaday dhali
  • Sidii daallinkii hore ma mid daawaha aqoontiyo
  • Ma mid daaha qaatiyo dacas kama tagay dhali
  • Mise doorkan maanta ah, ubadkaa dalleentiyo

Debedaa lasoo dhigay mid u daadeheeyoo

Noo daryeelabay dhali………

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here