Siyaasadeeniiba waxay noqotay qaylo iyo buuq. Talaabadii xukuumaduba qaadaaba waxay soo kordhinaysaa sawaxan. Dekedii Berbera, go’aamadii sicir bararka, dib u dhigistii doorashada iyo tan maanta ee madaarka Berbera. Laakiin waxyaabahan waa arrimaha dadka muwaadiniinta ah kala qaybiya ee taloow madaxtooyadeenu ma ogtahay taas?