Guomiyaha Jaamacada Hargeysa Oo Ardayda Ka Codsaday Inay Ugu Soo Duceeyaan Xilkiisa

0
603

 

jaamacadaHargeysa (Geeska)- Gudoomiyaha cusub ee jaamacada Hargeysa, Dr, Cabdi Xuseen Gaas, ayaa kulan uu shalay la yeeshay ardayda ku ballanqaaday inaan wax lacag kordhin ah dhici doonto sannadka koowaad, kana codsaday inay ugu soo duceeyaan gudashada xilkiisa.

 

Gudoomiyaha oo kulankaa u ardayda jaamacada Hargeysa kula yeeshay hoolka shirarka jaamacada markii koowaad intuu xilka la wareegay kuna wehelinayeen xubno ka mid ah board-ka jaamacada ayuu sheegay inay dhowaan ka filayaan dalka Turkiga wax ka qabto baahiyaad kala duwan ee jaamacada.

Dr, Cabdi Xuseen Gaas, oo dhowaan ku guulaystay buuxinta jagada gudoomiyaha oo board-ka jaamacada Hargeysa soo xayeysiiyeen ayaa kulankaa ku bayaamiyey caqabado muddo la soo deris ahaa jaamacada iyo qorshahiisa siduu wax uga qaban lahaa.

Gudoomiyaha jaamacada Hargeysa, oo markuu dhameeyey hadalkiisa, fursad u siiyey ardayda inay su’aalo weydiiyaan, ayaa qaar ka tirsan ardaydu sheegeen in laybareeriga jaamacada caqabad ka haysato ah in buugaagta taala la jaanqaadi Karin aqoonta ay bartaan, maadama xilli hore la qoray, ayuu gudoomiyahu sheegay inay wax ka qaban doonaan, isla markaana damacsan yahay sidii laybareeriga jaamacada looga dhigi lahaa electronic.

Dhinaca kale, wargeyska Geeska, oo wax ka weydiiyey ardaydii kulankaa ka qeybgashay siday u arkaan kulanka gudoomiyaha iyo rajadooda in ballanqaadyada uu sheegay fuli doonaan, ayaa Sadaam Maxamed Axmed, oo ka tirsan kuliyada Sharciga sheegay, inay farxad weyn u ahayd la kulanka gudoomiyaha cusub ee jaamacada oo mushkilado badan oo ardaydu la’ayd meel xalkooda u doontaan sheegay siduu ku xalin doono, waan ku faraxnay, waanan soo dhoweynaynaa. Sidoo kale iyadoo ballanqaadyadu badan yihiin, wakhtina qaadanayso, waan filayaa inuu fuliyo, hadii ilaah yidhaahdo.

Sidoo kale, Kaltuun Faarax Cali, oo ka tirsan kuliyada ICT, ayaa dhankeeda sheegtay, inuu ahaa fursad si weyn u soo dhoweynayaan guud ahaan ardayda jaamacada Hargeysa, uguna muuqday  gudoomiyahan cusub, kii soo saari lahaa horumarka Jaamacada Hargeysa, isla markaana sixi doona dhamaan waxii ka khaldanaa jaamacada, waxyaalo badan oo ka dhimana ku soo kordhin doono. Waxaan rajeynayaa inuu fulin doono balanqaadyaduu u sheegay ardayda, inkastoo wakhti qaadan karaan.

 Kulankaa shalay isku waajaheen gudoomiyaha cusub e ejaamacada Hargeysa, Dr. Cabdi Xuseen Gaas, iyo ardayda ayaa ku dhamaaday jawi yididiilo iyo rajo fiican ka muuqatay dhamaan ka qeybgalayaashii, lana rajeynayo inuu soo afjaro caqabado maamul iyo maaliyadeed oo sannadihii ugu danbeeyey la deris ahaa Jaamacada Hargeysa.