Gudoomiye Ku Xigeenka Saddexaad Ee Kulmiye Oo Sheegay In Kulankii Habeen Hore Madaxweyne Siilaanyo Ay La Soo Qaadeen Dib U Dhigista Shirka

0
584

Picture7Hargeysa (Geeska)- Gudoomiye xigeenka saddexaad ee Kulmiye  Cabdiraxmaan Talyanle oo ka hadlaayey kulan dhex maray madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inay madaxweynaha ay u soo bandhigeen in shirka golaha dhexe oo ku began 10 November dib loo dhigo ayaa carabka ku adkeeyey in madaxweynuhu dhagaystay soo jeedintooda iyo waxa ay tabanayaan.

Cabdiraxmaan Talyanle oo la hadlay qaar ka mid ah talefishannada madaxa bannaan ayaa mar la weydiiyey in shirka golaha dhexe dib looga riixi dooni xiligii loo qorsheeyey, waxa uu yidhi “Waxbaa ka jira waana la soo jeediyey, waxaa taa xukumaya mudada yare ee ka hadhay tobanka November, mudo sagaal cisho ah ayaa shirka ka hadhay, hawsha xisbiga u taalana way balaadhan tahay, markaa haddii ay sagaalkaa cisho ku qabsoomayso hawsha xisbiga u taala waa axsan, haddii ay intaa ka balaadhatana kolayba talo ayaa noo socota”

Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee Kulmiye Cabdiraxmaan Talyanle ayaa ka hadlay warar sheegaya in aanay ka soo xaadiri doonin shirka golaha dhexe oo tirada laga saaray, ayaa sheegay in warkaasi aanu jirin waxa aanu hoosta ka xariiqay in garabkiisa  oo ah garabka murashaxiinta isbahaystay ay la jiraan raggii waaweynaa ee xisbiga iyo inta badan ee xubnihii golaha fulinta iyo golaha dhexe isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Aad ayaan ugu kalsoonahay shirka cid noo didani ma jirto hogaankii xisbiga ayaanu nahay waanu u midaysannahay, ragga kale ee garabkaygu waa guddigii fulinta ee xisbiga Kulmiye. Kaadirka xisbiga Kulmiye iyo xubnaha golaha dhexe ee xisbigu  majooratigiisi xagayga ayey u badan yihiin, waan isku kasloonahay kaliya uun in la diyaariyo masrax loo wada siman yahay oo lagu wada baratami karo oo murashaxiinta xisbiga Kulmiye dhamaantood ay kalsooni ku qabaan oo ku tarmi karaan kaas ayaanu anagu doonaynaa, hadana la wadaa kuna tashanaynaa, cid xisbiga naga saaraysaa ma jirto, ina cabdiqaadirna in masaal loo soo qaatana aad ayaan uga soo horjeeda, xisbigu waa xisbi dimuquraadiya xisbi hanti wadaag ah oo kii midawga soofiyatiya ma aha”