Gudiga diiwaangelinta oo u digay ururada aan isdiiwaangelin

3
651

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha guddiga diiwaangelinta Md. Cabdirisaaq Jaamac Cumar, ayaa digniin culus u diray ururada siyaasadeed ee aan weli si rasmi ah isu diiwaangelin balse ololaha ka bilaabay gobalada dalka.

Guddoomiye Cabdirisaaq, oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu badhasaabada, taliyayaasha ciidamada iyo maayarada gobalada iyo degmooyinka dalka faray inay ololaha ka joojiyaan ururada siyaasadeed ee aan weli qaadan ruqsadda, waxaanu sheegay inay laba urur siyaasadeed oo kala ah Wadani iyo Dalsan buuxiyeen shuruudihii urur siyaasadeed islamarkaana ay bixiyeen cashuurtii ku waajibtay. “Waxa usbuucii hore aanu qabanay shirjaraa’id oo aanu ku cadaynay jadwalka iyo maraaxiisha iyo xuquuqda ay leeyihiin ururada iyo waxa u banaan iyo wax ka xaaraan ahba, waxaanu umadda ogaysiinaynaan ilaa imika inay laba urur siyasadeed oo keliyi diiwaangelintii ay soo buuxiyeen soona dhammaystireen foomkii yo cashuurtii ku waajibtay waana WADANI iyo DALSAN, labadaas ayuun baa shuruudihii ilaa hadda buuxiyay.” Ayuu yidhi guddoomiyuhu, waxaanu intaas raaciyay “Ururo badan oo qaatay foomamkii oo ay ahayd inay soo buuxiyaan ayaa olole iska galay oo aanu warkooda helaynaa markaas waxaanu ku wargelinaynaa ururadaas aan siyaasiga ahayn ee aan weli loo aqoonsan ee diiwaangleintii aan dhammaysan falalkaas abaabulka ah iyo hawlgaladaas ay samaynayaan waxay ku keeni karaan ganaax mar haddii aanay sharciyad u haysan inay magacaas ku shaqaystaan.”

Cabdirisaaq, wuxuu saxaafadda uga digay inay baahiyaan magacyada ururo aan sharci ahayn, “Saxaafadda waxaanu uga digaynaa inay baahiyaan urur siyasadeed aan la diiwaangeiln oo aan shuruudihii buuxin islamarkaana aan sharci u haysan magac uu leeyahay oo u diiwaangashan. Wasaaradda daakhiliga horena waraaq waanu ugu qornay, haddana badhasaabada iyo taliyayaasha booliska iyo maayarada waxaan leeyahay waa inay ka joojiyaan ololaha urur siyasdeedyo aan haysan diiwaangelintii, labada urur ee haystaana waa WADANI iyo DALSAN.”

Comments are closed.