Hargeysa(Geeska)-Wafti balaadhan oo ka socday dalalka arimaha doorashooyinka ka taageera Somaliland ee midawga Yururb,IGAD iyo Qaramada midoobay ayaa soo gaadhay Hargeysa kulana la qaatay gudidii dhexdhexaadinta xukuumada iyo mucaaradka iyo xisbiyada mucaaradka ah ee dalka.
Gudida dhexdhexaadinta ee go’aamada soo saaray ayaa sheegay in saaxiibada Somaliland ay uga mahadnaqeen go’aanada lagu wada qancay ee ay soo saareen, waxaanay saraakiil u hadlay xisbiyada Waddani iyo Ucid-na ay dhankooda ay sheegeen inay u cadeeyeen in ay qaateen go’aanka gudida dhexdhexaadinta.
Ugu horayntii Maxamed Axmed Faarax ( Food ) Guddoomiyaha gudida dhexdhexaadinta oo Maansoor kula hadlay warbaahinta kulanka oo halkas ka qabsoomay kadib waxa uu yidhi“ Waxa ay noogu yimaadeen si ay noola kulmaan waxaanay la kulmayaan xukuumada iyo labada xisbi, waxaanu ka wadahadalnay mahadnaq ay noo mahadnaqeen hawshii aanu ku jirnay ee dhexdhexaadinta inay jecelyihiin in Somaliland ay nabadgalyo ku waarto. Waxaanu aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa dawlada madaxweynaha xisbiga Kulmiye iyo xisbiga Waddani madaxdiisa, xisbiga Ucid sidii wanaagsanayd ee ay noo qaabileen mudadaas 26 casho ah ee aan ku jirnay hawshaas, waxaanu aad uga mahdnaynaa go’aamadii aan soo jeedinay, danta dalka ayaa wax walba ka weyn danta dalka ayaanu intaas u joognay ragaasna nin waliba waxa uu ka yimi shaqadiisii waxaanay iga tahay mahadnaq uun.”
Masuul ku hadlay afka xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Cabdiqani Ibraahin Salaf waxa uu sheegay waxa ay ka wada hadleen waftiga “ Maanta waxaanu halkan kula kulanay saaxiibadii Somaliland ka taageeri jiray nidaamka dimuqraadiyada ee ina barbar taagnaa oo inoo yimi wakhti iyaga ku culus oo ah wakhtiyada ay fasaxa galaan si ay Somaliland uga caawiyaan dimquraadiyadii ay awalba inala garab taagnaayeen, waanuna uga mahadnaqaynaa sida ay dalkayaga u garab taagan yihiin, waan la kulanay oo waxaanu kala qaadnay war arintuna waxa ku eegtahay soojeedintii ay soo jeediyeen gudida dhexdhexaadintu oo aan aqbalnay hadaanu nahay xisbiyad mucaaradka ah.”
Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah hoggaanka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa dhankiisa sheegay “ Waxaanu hada ka soo baxnay shir aanu la kulanay safiiro tiro badan oo ka socda dawladaha Yurub iyo ururka midawga Yuruba iyo ururka IGAD, Qaramada midoobay intaasba waa ay isugu jireen, runtii waa dawladihii iyo haayadii caalamiga ahaa ee inagala shaqaynaayay geedi socodka dimuqraadiyada mar kasta oo ay arimaheena ku yimaadaan xoogaa si qabad ahna waa ay inoo soo gurmadaan waa ay inoo iman jireen socdaalkooduna hada waxa uu la xidhiidhaa arimaha doorashada ee dib u dhacay iyo khilaafyadan soo noqnoqday ee ama Komishanka la xidhiidha ama mudo kordhintii golaha guurtidu ay sameeyeen ee labada sanadod ahayd oo aanay jeclaysan, labadan xisbi waxay u cadeeyeen go’aankii ay shalay wada jirka u sheegeen ee ahaa inay qaateen go’aankii ay soo jeediyeen gudida dhexdhexaadinta.”