Hargeysa(Geeska):-Waxaa maalintii shalay si damaanad ah loogu sii daayey guddoomiyahii xarunta xuquuqul insaanka Somaliland Md.Guuleed Axmed Jaamac oo muddooyinkii danbe u xidhnaa xadhig ay xukuumadu ku riday dabayaaqadii bishii hore, ka dib waraysi uu siiyey idaacada BBC-da, kaasi oo uu kaga waramay qaabka ay u shaqeeyaan maxkamadaha iyo cabashooyinka inta badan ay dadku ka muujiyaan, waxaana uu sheegay in mudadii uu ku xidhnaa saldhiga dhaxe ee booliska magaalada Hargeysa la’gula dhaqmay qaab ka baxsan xuquuqda Aadanaha, isaga oo sheegay in loo diiday in ay soo booqdaan dadkii isaga ehelada u ahaa, sida oo kalena waxaa uu tilmaamay in mudadii uu xidhnaa qaabkii loo hayey uu ahaa mid sharciga baal marsan isla mar ahaantaana aan la horkeenin wax maxkamad ah.
Garyaqaan Guuleed Axmed Jamac, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu sida oo kale sheegay in mudadii uu xidhnaa been abuur laga sameeyey qaabka loo xidhay, isaga oo sheegay in aanu ka hadlin wax ka hor imanaaya diinta islaamka balse uu waraysiga uu siiyey idaacada BBC-da kaga hadlay arrimo khuseeya qaabka ay u shaqeeyaan maxkamadaha iyo sida oo kale cabashooyinka ay dadku inta badan ka muujiyaan, waxaana uu ugu horeyn ka hadlay qaabkii loo xidhay.
"Bishii Abriil ayaa lay xidhay, Laba cisho markii aan saldhiga booliska ku jiray ayaa maxkamada gobalku todaba cisho ii rumaan garaysay jeelka dhaxe ee magaalada Hargeysa, markii danbe ee ay maxkamadii dhamaatayna wax maxkamad ah layma horgeyn, wax eed ah oo si rasmi ah laygu sameeyey may jirin laakiin xadhigaygu waxaa uun uu ka dhashay waraysi aan idaacada BBC-da siiyey oo aan kaga hadlay arrimo u badan garsoorka jiritaankiisa iyo arrimo kale oo khuseeya cabashooyinka ay dadku ka qabaan, kolkaa muddo dheer ayaan xidhnaa iyada oo aan wax maxkamad ah lay horgeynin, maanta ayaa lay sii daayey, waxaana lay sheegay in damaanad la igu soo daayey.".Ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Axmed Jamac.
Guddoomiyaha xarunta xaquuqal Insaanka Somaliland Garyaqaan Guuleed, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu ka xog-waramay waxyaabaha uu la kulmay mudadii uu xidhnaa, waxaana uu yidhi:"Arrimaha aanu inta badan ka hadalnaa waxa weeye waxyaabaha uu dastuurku u damaanad qaaday qofka bani Aadamka ah ee ah marka uu xorta yahay iyo marka kaleba in si isku mid ah loogu loo dhowro ayey doodayadu u badan tahay, taasina waa ta inta badan ay ciidamada boolisku nagu necbaystaan ka hadalkeedu se markii aniga lay xidhay waxaad moodaysay ficil kasta oo aan ka qaylino si shacabka looga illaaliyo uu ahaa mid aniga laygula dhaqmay, muddo ayaan rumaan ahaa, mudadaa aan rumaanka ahaana halkii maxkamad lay horgeyn lahaa waa layska kay haystay, sharciguna taas ma ogala, waxa weeyaan waa in qofkii maxkamad la horgeeyo, maxkamada ayaana qofka ama rumaan garaysa ama siidaysa. Waxa weeye waxaa laygu xidhay saldhiga dhaxe ee magaalada Hargeysa, waxaa la' igu xidhay meel aan bani Aadam tinimadaba ku waanaagsanayn in lagu xidho oo ah runtii meel aad u xun, waxaana lagu tacadiyey xuquuqo badan oo aan lahaa oo ay ka mid tahay in aan qaraabadaydii la kulmo, ehelkayga iyo in aan cid kale arki karaba, laakiin intii xabsiga dhaxe ee Hargeysa lay geeyey si wanaagsan ayaa la'iila dhaqmay oo bani Aadamtinimo wanaagsan, runtiina waan u mahad celinayaa ciidamada Asluubta iyo taliskoodaba, laakiin intii aan saldhiga boolisku ku jiray xuquuqo badan oo aan lahaa ayaa lagu tacadiyey, waxa la yaabka badanina waxa weeyaan qofka xuquuqihiisa aas aasiga ah ee distooriga ayey ka mid tahay in la horgeeyey maxkamad oo maaha in la iska haysta uun ilayn afduub maaha meeshuye, muddo badan oo hayntayda ahna waddo sharci ah looma soo marin, waxa laygu eedaynayaana maaha wax sideedayda aan u sameeyey waa u doodida xuquuqaha aas aasiga ah ee ay bulshooyinka kale leeyihiin ee aan u hadalno, oo aan mar walba leenahay dadka xuquuqdooda ha la dhowro, dastuurka dalka u yaalana ha la raaco, arrimahaasina may ahayn in aanu ku mutaysano xadhig se waxa ay ahayd in la baadho oo dabadeetana waxii ku haboon ee laga qaban karo laga qabto.".
Guuleed Axmed Jaamac, waxaa uu sida oo kale beeniyey in uu ka hadlay waxyaabo ka soo horjeeda diinta Islaamka."Waxa kale oo jirta in mudadii aan xidhnaa ay dacaayado i soo gaadhaya oo jira ay sheegayaan in aayadaha qur'aanka aan ka hor imi, anigu waxa aan ka hadlay may ahayn wax ka hor imanaaya diinta iyo qur'aanka, laakin anigu wax aan ka hadlay waxaa ay ahaayeen uun dastuurkeena ha la raaco, dastuurka iyo nidaamka sharcina ha aan hagaajisano oo horumarsano qaanuunka inoo yaalana aan raacno ayey ahayd intaasna aniga iyo ururkayguba waxaa aan u arkaynay in ay tahay waajib na saaran, in aan mar walba u hadalno, eraygaasina waxaa uu ka yimi waa aniga iyo xarunta xuquuqul insaanka, waxa midkoodna ma casbi galinayaan xilka iyo waajibkaadka qaranka naga saaran ee aan u hayno oo ah shaqada aan hayno waana aan sii wadi doona.".Ayuu yidhi Guuleed Axmed Jaamac.
Guddoomiyaha xarunta xuquuqul Insaanka Somaliland, waxaa kale oo uu beeniyey eedo lagu soo oogay oo sheegayey in xarunta uu guddoomiyaha ka yahay aanay haysan wax sharci ah."Waxay ahayd been aan sal iyo raad toona lahayn, si rasmi ah ayaanu cashuurta u bixinaa, shahaadooyinkii diiwaan galintana waan haysanaa, hadalkaasi waxaa uu aha hadal ay bilowgii hore yidhaahdeen saraakiisha qaar iyaga oo aan hubsan in uu diwaan gashan yahay iyo in kaleba, markii danbena waa ay ka noqdeen oo meelo kale ayaa ay hadana ku meeraysteen, warbixinta aan soo saarnayna waxaa ay ahayd warbixin aan soo saarnay Labadii kun iyo 14kii dawladuna waa ay ka jawaabtay maantana wax ka nooli aanay jirin, wakhtiguna uu ka dhacay ayey ahayd, waxa markii danbe oo dhan la raad raadinayaana waxa weeyaan wax eed lagu sameeyo ayuunbay ahayd, mana wanaagsana in qaanuunkii iyo sharcgii inoo yaalay laga gudbo.".Ayuu yidhi Guuleed.
Ugu danbeyntii guddoomiye Guuleed, waxaa uu si weyn ugu mahad celiyey dhamaanba cidii ka qayb qaadatay sidii dib loogu soo celin lahaa xoriyadiisa, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in ay wadaan illaa in si rasmi ah uu u helaayo xoriyadiisa maadaama hada lagu soo daayey damaanad, waxaana uu sida oo kale ku baaqay in aan mar qudha laga aamusin oo la wado u doodi taanka xuquuqda Aadanaha iyo sixida sidii shuruucada iyo dastuurka qaranka Somaliland ay u noqon lahaayeen kuwo si toos ah loogu dhaqmo, qof kasta oo muwaadin ahina uu u heli lahaa xuquuqdiisa aas aasiga ah.
"Waxa aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa ashkhaasta, ururada iyo dawladaha sida weyn ee qayrul caadiga ah isagu hawlay in aniga xoriyadayda la ii soo celiyo ee dedaalkaas hadh iyo habeenba u galay ee aan mar qudha ka seexan, si weyn ayaan ugu mahad celinayaa runtii, waxaana aan rajaynayaa in ay dedaalkaas sii wadaan si aniga xoriyadayda oo dhan dib la'iigu soo celiyo, mana ahayn cida la i xidhay se waxa ay ahayd mabaa'dii caadiya oo ah sidii xoriyaadka aas aasiga ah loo dhowri lahaa, marka in si wada jir ah ugu hadalno sidii dastuurka iyo shuruucda dalka loo dhowri lahaa.".Ayuu yidhi Guuleed Axmed Jaamac.