Guddoomiye Saleban Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Xeerka Diiwaangelinta Ee Ay Soo Cliyeen

0
654

Picture7Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland Md:Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Xeerka Diiwaan-gelinta Madaniga ah oo dhawaan ay Golaha Guurtidu ay hakad galiyeen ansixintiisa,waxaana uu meesha ka saaray in ay celinta Xeerkaasi uga danleeyihiin sidii ay doorashadu dib ugu dhici lahayd.

Md:Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadalkan ka sheegay mar uu warbaahinta ugu waramaayey magaalada Hargeysa,waxaana uu sheegay in markii Xeerka loo soo gudbiyey ay jirtay Khilaaf  ku jiray Xeerka iyo warqadii la soo raaciyey,Isla mar ahaantaana aanu shir guddoonka Aqalka Golaha Wakiilada ugu celinaybaa uu yidhi sidii ay isu soo waafajin lahaayeen khilaafka ku jira Xeerka iyo Warqada la soo raaciyey.

“Xeerkii la soo gudbiyey iyo warqadii soo gudbisay ayaa khilaaf nooga muuqday dabadeedna shir gudoonkii golaha  wakiilada ayaanu ku celinay oo waxaanu ku nidhi labada isa soo waafajiya, anigana halkaas ayaa iigu danbaysay waxaana lay leeyahay warqad ayaa soo noqotay walina maan arag.”ayuu yidhi Md:Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sida oo kale waxaa ay warbaahintu wax ka waydiisay waxa ay kaga wada hadleen wada hadal ku saabsana Xeerkan oo ay yeesheen isaga iyo guddoomiyaha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

“Gudoomiye cirro waxaanu ka wada hadalnay  wanaag iyo wixii laba gudoomiye baarlamaan ka wada hadli jireen, xeerkuna labada gole wuu u kala gudbaa, haddii ay ku qanci waayaan wixii aanu nidhi iyaga ayey u banaan tahay  inay go’aan danbe ka gaadhaan halkaana u dhaafi maayo”Ayuu yidhi Md:Saleebaan Maxamuud Aadan.

Ugu danbayntiina Md:Saleebaan Maxamuud Aadan waxaa uu ugu baaqay shacbiga reer Somaliland in ay Is-diiwaan geliyaan,maadaama baa uu yidhi la filaayo in ay dalka Doorasho ka qabsoonto.

 “Anaga sharci qaran oo wax lagu wanaajinayo dib u dhigiisu nama qabato, anagu waxaanu is nidhaahnaa wax wanaajiya walina waxaanu qabnaa inaanu wax wanaajinayno golihii kalana ayaanu ka sugaynaaye aanu aragno, haddii aynu doorasho galayno diwaan gelintu xaq weeyen ee aynu is diwaan gelino.”