Guddoomiye Saleban Oo Dacweeyay Xildhibaano Guurti Ah Oo Ka Horyimid Muddo Kordhinta Iyo Mudane Axmed Gacan Oo Jawaab Adag Ka Bixiyay

0
549

Picture7

Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan ayaa guddiga joogtada ah ee golahaas u gudbiyay saddex xildhibaan oo uu ku eedeeyay inay ka horyimaadeen muddo kordhintii guurtida, kuwaas oo uu dalbaday in la anshax mariyo. Saddexda xildhibaan ayaa kala ah Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali iyo Xildhibaan Mubaarik Axmed Jaamac.

Warqadda uu guddoomiye Saleban u gudbiyay guddiga joogtada oo uu Geeska Afrika nuqul ka mid ah arkay ayaa wuxuu ku yidhi “Mudanayaal, Sidaad ka warqabtaan Golahu go’aan ayuu gaadhay uu ku ansixiyay Codkii ugu Badnaa Go’aankaasi oo la xidhiidhay muddo Kordhinta oo waafaqsan Qoddobka 83 Ee Distuurka Qaranka,Sidaas Awgeed Mar hadii uu golahu go’aan gaadho waxa waajib ah in loo hogaansamo lana wada difaaco,Balse saddexda mudane ee kor ku xusani waxa ay ku kaceen danbi kaasi oo ka horimanaya Go’aan gole iyaga Hadaba waxa laydin farayaa inaad ka soo talisaan wixii golahu ka yeeli lahaa kana go’aan gadhaan”.

Haddaba,  Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye(Gacan) ayaa dacwadda laga gudbiyay ku tilmaamay inay tahay mid gef ah oo sharciga baalmarsan.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, ayaa sidan ku sheegay mar uu shalay la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu tilmaamay in aanay jirin waxa xad gudub ah oo ay ku sameeyeen distoorka qaranka Somaliland. "Marka hore annagu waxaanu nahay Baarlamaan, golaha Guurtiduna waa Odeyaal dhaqan oo odeyaashii dhaqanka ayaanu nahay, marka horena dacwadan uu naga gudbiyey waxaa uu u cuskaday qodabka 89aad ee distoorka, distoorkiina waanigan gacanta ku haya anigu, waxaa aynu wax ku nahayna waa distoorka oo aanu xildhibaanka ku nahay, umaddana aanu ku metalayno, wax ka siyaado ah oo aanu nahayna ma jirto, waxaan u arkaa in kaasi gef yahay aniguna aanan waxba ku xad gudbin distoorka qodobka 83aad iyo mid kale toona in aanan ku xad gudbin, ayaan anigu qabaa.”.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa carabka ku dhuftay in waxa lagu haystaa ay tahay in ay u hadleen isla mar ahaantaana ay fikirkooda si xor ah ugu cabireen dareenkooda ku aadan muddo kordhinta golaha Guurtidu u samaysay xukuumada Siilaanyo sida oo kalena ay ku taageereen go’aankii sadexda xisbi qaran iyo xukuumadu ay isla soo gaadheen, isaga oo carabka ku dhuftay in uu go’aankaas u arkaayey mid dan u ah nabad galyada Somaliland.

“Waxaan qabaa marka hore anigu xildhibaan ayaan ahay distoorka qarankuna waxaa uu xaq ii siinayaa oo xuquuqda muwaadinimada aan ku leeyahay in aan ra'yigayga aan u gudbiyo si toosan, si dadban si suugaamaysan, si mudaharaad haddii ay arrintu tahay si walba xalaal ayaa uu iiga dhigayaa, waxaana distoorku leeyahay waxii muwaadinka ra'yigiisa dhaafsiisan haddii uu soo jeediyo looma qabsan karo taas waan cuskanayaa, waxaana aan leeyahya xaq ayaan u leeyahay taas, kumanaan xad gudbin, qodobka la ileeyahay laftiisa haddii aan soo qaato qodobka 83aad ee dastuurku waxaa uu leeyahay haddi doorashada madaxweynaha iyo ta madaxweyne ku xigeenku ay dhici weydo arrimo nabad galyo aawadood, waxaana arrintaas xaq u leh in ay eegaan oo baadhaan oo qiyaasaan wakhtiga lagaga baxaayo arrimaas waa golaha Guurtida, maanta wax nabad galyo la'aan ah oo jirtaa ma jirto mid baahsan iyo mid kooban toona, dalkeenu waa maalintii uu ugu deganaanshiyo badan yahay. Intaa kadib in maanta aniga oo nabad galyada taageeray la'igu dacweeyo oo aan idhi sida ay nabad galyadu ku jirto ayaan raacayaa, taana waxaa ay ila tahay indho la'aan ayaan u arkaa, waxaa kale oo ay tahay distoorka qaranka meelna kagama qorna hadii aad go'aanka golaha Guurtida aad ka soo horjeesato dambiile ayaad tahay.".Ayuu yidhi Axmed Gacan.