Guddoomiye Muuse Biixi Oo Aqbalay Saddexdii Qodob Ee Uu Kaga Dhaqaaqay Kulankii Uu Saleban-Gaal Iskugu Keenay Wasiir Samaale

0
570

Picture9Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa aqbalay saddex qodob oo uu u soo bandhigay guddoomiyaha Golaha Guurtida md. Saleban Maxamuud Aadan (Saleban-Gaal) si khilaafka xisbiga loo dhammeeyo, kuwaas oo uu Muuse hore ugu gacan saydhay.

Guddoomiyaha Guurtida iyo xubno kale oo ka soo jeeda beesha Madaxweyne Siilaanyo, oo muddo ku hawlanaa xalinta khilaafka KULMIYE ka dhex taagan, ayaa kulan ay laba habeen ka hor guriga guddoomiye Saleban ugu qabteen laba garab oo ay kala hoggaaminayeen guddomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiir Samaale, waxay ugu soo bandhigeen shan qodob oo ay sheegeen inay xal u noqon doonaan khilaafka xisbiga ka dhex jira. Hase yeeshe guddoomiye Muuse Biixi ayaa aqbalay laba ka mid ah qodobadaas, halka uu diiday saddexdii kale, waxaanu shirkii kaga baxay cadho, isagoo sheegay inaanay qodobadaasi ahayn kuwo uu fulintooda damaanad qaadi karo, waxaanu ku dooday inay yihiin kuwo shirka u yaala.

Hase yeeshe sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, kulan uu Muuse Biixi hoggaanka xisbigiisa kula yeeshay xarunta xisbiga khamiistii, ayaa la sheegay in xubno uu ka mid yahay guddoomiye xigeenka KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ay ku qanciyeen inuu aqbalo saddexda qodob, waxaana la sheegay in dood iyo garnaqsi ka dib uu Muuse Biixi cadeeyay inuu qaatay soo jeedintooda oo uu aqbalay qodobadaas uu hore u diiday. Ka hor intii aan lagu qancin inuu qodobadan aqbalo, wuxuu warku sheegay in Muuse watay qorshe kale oo uu xisbiga kaga caydhinayo xubno wasiiro ah oo ka tirsan gudiga fulinta xisbiga.

Saddexda qodob ee uu Muuse Biixi, hore u diiday balse uu hadda aqbalay ayaa kala ah:

Inaan shirweynaha wax lagaga bedelin xubnaha guddiga fulinta xisbiga ee xilligan

Inaan waxba laga bedelin hoggaanka xisbiga, gaar ahaan ku xigeenada

Inaan waxba laga bedelin xubnaha golaha dhexe, amaba ay intooda badani soo noqoto

Labada qodob ee uu hore u aqbalay ayaa ahaa in Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale lagu daro guddiga fulinta xisbiga iyo inaan la kala dirin guddiga qaban qaabada shirweynaha xisbiga oo qorshaysan inuu qabsoomo bisha December ee soo socota.

Si kastaba ha ahaate khilaafka KULMIYE, ayaa u muuqda mid aanu xalkiisu weli dhawayn, maadaama oo hadba la dhayayo milil korkii, waxaana la eegayaa bal halka uu sal dhigto.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo xoghayaha guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa shalay u ambobaxay dalka Itoobiya, ka dib markii lagu martiqaaday shirweynaha xisbiga EPRDF ee haya talada Itoobiya, kaas oo dhawaan qabsoomaya.