Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Wakiilada Oo U Jawaabay IGAD Iyo Shirkii Wadatashiga Ee Muqdisho

0
589

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa jawaab adag ka bixiyey go’aankii ka soo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Soomaaliya, ee ahaa in ay Madax-dhaqameedka Somaliland ay soo xulaan xubnaha Barlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Somaliland matali doona, waxaanu sheegay in go’aankaasi yahay mid xaqiiqada ka fog, suurtagalna aan ahayn.

CALI-YUUSUF

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay inay IGAD ku raacdo go’aankaas, waxaanu yidhi “Qolada Soomaaliya waa ay riyoonaysa, go’aankooduna waa mid xaqiiqada ka fog, markii hore Somaliland iyo Soomaaliya waxa aynu ahayn laba dal oo isu-tegey, markii dambana Somaliland dib ayaa ay ula soo noqotay dawladnimadeedii. Maanta Somaliland waa dal dhisan oo dadkiisi isku tashaday, waa dal Dimuqraadiyaddu ka hanaqaday, oo nidaamka axsaabta badani ka hirgaleen, oo Doorashooyin ka dhaceen, waa dal Madaxweynihiisa shacabku soo doorteen, Barlamaankiisana Shacabku si xor ah u doorteen, oo Diiwaangelinta cod bixiyaha haddii uu qofku mar qaato mar labaad qaadan maayo, waana dal xasilloon oo nidaamkii dawladnimo u dhan tahay, halka Soomaaliya aanay intaas midna ahayn, oo wali aanay gaadhin halka ay Somaliland gaadhay, oo madaxweynahooda dad gaar ah oo la soo xulay ay dooranayaan, halka Shacabka Somaliland si xor ah u doortaan cida ay doonayaan, markaas maaha in maamulka Xamar shir yar oo ay isku yimaadeen inay ku yidhaahdan Madax-dhaqameedka Somaliland ha soo xulaan xubnaha Barlamaanka u matalaya.

Mudane Dr. Cali Yuusuf waxa uu dhinaca kalana baaq u diray madax-dhaqameedka Somaliland oo uu yidhi, “Madax-dhaqameedka Somaliland waxaan u soo jeedinayaa inay hadalkaas ay iska yidhaahdeen Maamulka Xamar aanay dheg u dhigin, anigoo og inay aanay hadalkaas waxba ka soo qaadaynin”

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiilada Dr Cali Yuusuf ayaa mar wuu la hadlaayey urur goboleedka IGAD, oo uu sheegay in uu taageeray go’aanka ka soo baxay shirkii Muqdisho ee qodob ka mid ahi Somaliland taabanayey, waxa aanu yidhi “Ururka IGAD wuu ku raacay Maamulka Soomaaliya go’aankaas, waanu taageeray, waxaan se’ IGAD xasuusinaya Somaliland iyo Soomaaliya in ay kala yihiin laba dal, oo xuduud kala leh, Shirkii Berlin (Jarmalka) wakhtigii wadamada Afrika la qaybsanaayey, Soomaaliya waxa guumaystay Talyaaniga, halka ay Somaliland noqotay Maxmiyad hoos timaada Ingiriiska, oo Ingiriiska ayaa Somaliland xukunkeeda gacanta ku qabtay, xad iyo xuduud ayaa loo kala sameeyey, Somaliland waxay xoriyaddeeda qaadatay 26 / 6 /1960-kii, halka ay Soomaaliyana qaadatay maalmo ka dib, markaas marnaba anagu hal taako oo xad gudub ah kuma sameeyno xadka Soomaaliya, mana fara-gashanno arimahood, waxna kama sheegno, markaas Urur Goboleedka IGAD waxa aan leeyahay marnaba madaxbannaanida Somaliland ha ka  hor imanina”

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiilada mar wuu la hadlaayey Bulshada Somaliland ayaa uu yidhi “Bulshada Somaliland, waxaan leeyahay wax badan weynu dadaalnay, ee isku duubnadan, dawladnimadiinnana ilaashada Ictiraafku wuu iska iman doonaaye”