Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Axmed-yaasin Sheekh Cali Ayaanle ayaa sheegay in hadii waxbarashada iyo kobcinta dhaqaalaha iyo adeega dalka si fiican looga qaybgaliyo haweenka, in Somaliland ay talaabooyin muhiim ah ay ka qaadi karto dhanka horumarka.
Axmed-yaasin Sheekh Cali Ayaanle ayaa haweenka ku tilmaamay kuwo ka musuq,qabyaalad iyo damacba yar raga isla markaasna wax weyn ka tari kara ilaalinta iyo kobcinta dhaqaalaha Somaliland.
Waxa uu arimahan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland ka sheegay xaflad balaadhan oo musharaxa xisbiga Kulmiye kula kulmay inbadan oo ka mid ah haweenka dalka. waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi "Waxaan aaminsanahay hadii aqoonta haweenka aynu sidan iyo si ka sii daran awooda u saarno hadii aynu aad u sii fududayno inay jaamacadaha galaangal fiican ay u helaan deeqaha waxbarashadana inta ugu badan helaan, hab dhaqankeena dhaqaale iyo horumarka aynu dhan walba ka tiigsanayno waa uu ka xawaare saraynayaa marka ay inamadu ka horeeyaan, way ka musuqmaasuq yar yihiin dumarku raga, waxaynu u baahanahay qaran isku tashada oo guntiga dhiisha iskaga dhiga oo dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba kori karaaya, waxaan is leeyahay way ka qabyaalad yar yihiin, way ka musuqmaasuq yar yihiin waanay ka cadaalad daro yar yihiin, waanay ka damac yar yihiin, oo hadii maaliyada,arimaha bulshada iyo caafimaadka hadaynu ku taxno hormar la taaban karo oo mudo gaaban ah, waan aaminsanahay laakiin habloow arintani idinka ayay idinku xidan tahay."
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Axmed-yaasin Sheekh Cali Ayaanle oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"aqoontu waxay haweenka ka ileelisaa niyad jabka iyo inay noqoto mid qoys uun sugaysa, markay aqoon leedahay waxay ku da'daalaysaa inay bulshada dhankeeda wax ku soo kordhiso oo dhaqaalaha,siyaasada iyo arimaha bulshadaba ay ka qayib qaadato."