Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa sheegay in golaha wakiiladu uu u yeedhi doono xubnihii Somaliland uga qaybgalay wada hadaladii Somaliya iyo Somaliland si arintaas wax looga waydiiyo.
Waxa uu sidan ku sheegay guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro mar uu xarunta baarlamaanka kula hadlaayay warbaahinta, waxaana isaga oo arintaas ka hadlaaya uu yidhi“Qodabada wada hadalka si rasmi ah umaan arkin, waftigiina waa uu imanayaa, waraysina waa ay bixin doonaan, baarlamaankuna waxa uu jeclyahay in si rasmiya waftigaas loogu yeedho oo loo waraysto.”
Xisbiyada mucaaradka ah ayaa iyaguna hore u qaadacay waxii ka soo baxa wada hadalada u dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo ay isku koobtay xukuumadda madaxeweyne Axmed Siilaanyo.