Guddoomiye Cirro Oo La Kulmay Wefti Ka Socday Hay’adaha Aan Dawliga Ahayn Ee Sweden Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen

0
694

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa shalay  kulan la yeeshay wafti ka socday wadanka Sweden.Sida lagu sheegay qoraal la  soo saaray waftigan oo ka tirsan Hay’addaha aan dawliga ahayn ee Wadanka Sweden oo muddo laba malmood ah safar indha indhayn ah ku joogi doonaya wadanka Somaliland gaar ahaan caasimada Somaliland ee Hargeysa. Weftigan oo khamiistii wadanka yimid waxa  hogaaminayay Aabe Ibraahim oo ah maalqabeen ka soo jeeda Somaliland isla markaasna muddo dheer deganaa Wadanka Sweden waxanay la yeesheen  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro. Kulanaas oo ka dhacay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxay labada dhinac ka wada hadleen ujeedada safarkooda, taas oo hogaamiyaha Wafiga MD Aabe Ibraahim uu sharaxaad ka bixiyay safarka uu ku yimi Somaliland,  oo uu sheegay in waftigu ka koobnaa sagaal xubnood oo ka socda Hay’addadaaha aan dawliga ahayn. Wuxuu  Aabe  sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay safarka ay ku yimaadeen Somaliland, taas oo uu carabka ku dhuftay in kulanka ay la yeesheen Guddoomiye Cirro ay soo dhaweeyanayaan isla markaasna ay wada shaqayn yeelan doonaan Golaha Wakiilada, isla markaas waxa uu xusay inuu wadanka dib ugu soo noqon doono. Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee  Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waftiga uga waramay marxaladaha kala duwan ee Somaliland soo martay taas oo uu u soo bandhigay sida uu ugu faraxsan yahay safarka waftigu uu ku yimi Somaliland iyo indh-indhayda ay ku samaynayaan  Somaliland gaar ahaan Caasimada, sidoo kale Guddoomiye Cirro waxa uu soo dhaweeyay wada shaqaynta ay yeelan doonaan oo uu uga mahadnaqay waftiga  wadanka yimi si ay wakhti uga qaataan oo ay u kuur galaan xaalada nabad gelyo ee wadanka ka hirgashay mudda dheer.