Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Sida Musharraxiinta Golaha Wakiilladu U Qaybsanayaan Codadkii Dadweynuhu Dhiibteen

0
548

 

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xisbiyadu aanay wax samayn ah ku lahayn natiijada doorashada ee la sugayo in komiishanku ku dhawaaqo.

Faysal ayaa sheegay in xisbi walba ay guushiisu ku jaan go’naan doonto sidii loogu codeeyay.

“Axsaabtu wax ala wax samayn ah oo ay ku leedahay doorashada ma jirto, haddii 170 kun Hargaysa ka codaysay 17 xildhibaan ayaa loo qaybinaya marka 10 kun ayay ku soo baxayan” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markasaaa la odhanayaa UCID maxay heshay, marka haddii isku darka codka guud ee uu UCID helay noqdo 80kun 10 musharax baa loo qaybinayaa markaasaa la odhanaya 8 baa heshay”.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay “Marka anagu wax samayn ah kuma lihin haddii tirada guud ee UCID fiicnaato qayb bay ka qaadanaysa tirada u soo baxaysa” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in ka axsaab ahaan ay awood u leeyihiin kaliya in ay musharaxa sharaxaan “Annagu waxaanu awood u leenahay in aanu idin sharaxno, fursadda ayaanu idin siinay, markaa nasiibkiina ka qaada, ma jiro wax musuq maasuqa oo dhacayaana taa anigaa idiin balan qaaday waxa loo kala cod badanaya sidii la idin ku kala codeeyay” ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office