Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland Oo Sheegay In Khilaafkii Ka Dhashay Xeerka Furista Ururrada Uu Goluhu Dhamaysanayo

0
624

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa guud ahaan shacabka iyo ciidamada booliiska raaligalin ka siiyay, rabshaddii golaha ka dhacday maalintii Isniinta.

Guddoomiye Khaliif ayaa sheegay in ay ka xun yihiin wixii golaha ka dhacay, isagoo dhinaca kale sheegay in goleyaasha caynkan oo kale ah ay khasban yihiin inuu khilaaf dhexdooda yimaado.

“Arrintii doraad golaha ka dhacday waxay ahayd nasiib-darro, dhamaan Golaha iyo shir-guddoonkuna waanu ka xunahay, runtiina dabeecadaha goleyaasha noocan ah ayay kamid tahay in uu khilaaf yimaaddo, oo aragtida sharciga ah la isku khilaafo” ayuu yidhi Khaliif.

Khaliif ayaa dhinaca kale raali galin siiyay  ciidanka booliiska oo la sheegay in xubno kamid ah ay xildhibaannada qaarkood dhaawacyo soo gaadhsiiyeen “Ciidanku amniga ayay ilaalinayaa waxa fiican meel uu tuhun ka jiro in aanay iman, in aan gacan loogu jawaabin, wixii dhib ah ee dhacayna taliska ciidanka waxaanu u muujinay in aanu ka xunahay”.

Waxa kale, oo uu sheegay in khilaafka ay gole ahaan dhamaysanayaan “Goluhu wuxuu ku kala baqayaa Tafaasiishiisa sharci, Cid Cid muquuninaysaana ma jirto, xumaan Golaha dhex taallaana ma jirto, buunbuunin kalena ma jirto, markaa wixii Golaha dhex yaallay isaga ayaa dhamaysanaya oo si wanaagsan u dhamaysanaya..”

Inkasta oo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu sheegay in dhibaatadii dhacday laga heshiinayo, haddana waxa weli si weyn u kala qaybsan Xildhibaannada Golahaasi, kuwaasi oo qaarkood doonayaan in la furo ururrada siyaasadda isla-markaana aanu Goluhu wax faro-gelin ah ku samaynin Xeerka Furista Ururrada oo ay aaminsan yihiin inuu dhaqan-gal yahay, halka Xildhibaanno kalena aaminsan yihiin in loo baahan yahay in Goluhu ka doodo.

 

Geeska.net/Hargeisa Office