Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Madasha wada-tashiga Xasan Guure Jaamac ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal uu wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaga jawaabay go’aankii ay labada Xisbi Qaran iyo Madashu ay hore uga soo aragtidooda muddo xilliyeedka xukuumadda kadib.
Guddoomiyaha Madasha wada-tashiga Xasan Guure Jaamac oo joogay munaasibad dhaqan ahayd oo uu wasiirka madaxtooyadu hadalkan ka yidhi, ayaa tilmaamay in aanu Xirsi kala garaynin Munaasibadaha Dhaqanka iyo Siyaadasada, isla markaana uu yahay bilaa dulqaad, aan u dulqaadan karin dhaliilaha, Md. Guure oo u waramayey wargeyska Geeska Afrika waxa uu yidhi, “Xirsi Madal Aroos iyo Dhaqan ayaanu iskugu nimid, ee Madal Siyaasadeed may ahayn, waxaanu kala garan la’ yahay Siyaasada iyo Dhaqanka, waxaanu daba socdaa oo uu sii bilaa dulqaad ah kaga jawaabay mawqifkii aanu ka soo saarnay jiritaanka Xukuumadda” Mudane Xasan Guure isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Anigu waxa aan leeyahay Somaliland eey Xirsi waa kaas”
Masuulka xilka haya ee madal farxadeed Siyaasad mooyadaya, dhaliilaha xukuumaddana ka xanaaqay waa wax aad loola yaab, waana wax laga xishoodo inuu igu yidhaahdo haddii aynu Ayuha Nebigii eryannay yeynaan isku soo noqonin innagu, waxna iska sheegin. Markaas Daahir Rayaale ayuu Ayuha Nebi ka dhigayaa, waana wax aad loola yaabo”.
Xasan Guure Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa wax laga xishoodo ah in Xirsi oo ah Masuul inuu yidhaahdo Sanka ayaa caano laga keenay, oo uu hanjabo, ee waxa aan leeyahay Xirsi haddii aad aniga I doonayso, ha ku bootayn xilka Umadda ee aad hayso, Somaliland waa inoo dhex ee” Md. Xasan Guure oo ka hadlayey aqoonta ay isu leeyihiin Md. Xirsi Cali, waxa uu intaas ku sii daray, “Aniga Madaxweynaha ayaanu isku jabhad ahayn, Xirsi Saddex Maalmood ayaanu isku jabhad ahayn, oo Gaadhi aan lahaa ayaa isku kaaya keenay”.
Xasan Guure Jaamac oo ka hadlay halgankiisi SNM ayaa yidhi “Anigu wakhtigii aan ka tirsanaa SNM, umaan dagaalamayn Cidagale, umaan dagaalmayn Isaaq, ee waxa aan u dagaalamayey oo aan wax la doonayey oo aan hadh iyo habeenba heegan ugu jiray Shacabka iyo Umadda reer Somaliland oo dadka Degan Badhan ilaa Saylac waa isku kay mid, isku si ayaana ugu dagaalamayey, waxna waan la wada doonayey, imikana wax ayaan la wada doonaya”