Dubai (Geeska)- Guddoomiyaha Hay’adda Diiwaanka Sakada Somaliland oo dhowaan Madaxweyne Siilaanyo aasaasay Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, ayaa ka qeybgalay shirweyne caalamiya oo lagaga hadlayo horumarinta bani’aadanimada iyo taakuleynta dadka tabaalaysan oo magaalada Dubai ee dalka isu-tagga Iimaaraadka Carabta ka furmay maalintii Isniinta ee toddobaadkan.
Shirkan oo ka qeybgalayaan ergooyin ka badan 330 hay’adood oo isugu jira kuwa dawli ah iyo qaar gaar loo leeyahay oo daafaha adduunka ka kala yimi, madax ka kala socda 66 dawladood iyo in ka badan 10,000 qof oo ah oo marti-sharaf si gaar ah loogu casuumay shirkan.
Shirweynahan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxa lagu falanqayn doonaa horumarinta gargaarka bani’aadanimada, taageeridda dadka saboolka ah iyo waddamada dagaallada iyo abaaruhu ka jiraan ee adduunka. Shirkan oo noqonaya kii 12aad, waxa soo qabanqaabisay hay’ad caalami ah oo lagu magacaabo DIHAD, taas oo marti-qaad rasmiya u fidisay Guddoomiyaha Diiwaanka Sakada Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire oo ah caalim deggan dalka Ingiriiska.
Ugu horreyn, furitaanka shirweynaha waxa ka hadashay marwada Amiirka Dubai, Haya Bintu Xuseen oo ka warrantay muhiimadda kulankani leeyahay sidii taageero aadaminimo loogu fidin lahaa dadka tabaalaysan ee masiibooyinka culus ku habsadeen, “si,” bay tidhi; “loo yareeyo faqriga, loona taageero dalalka dhibaatooyinka bini’aadanimo ka jiraan sida dagaallada iyo aabaraha.”
Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay madax kala duwan oo kala kala socday dalal badan oo adduunka ah, kuwaas oo dhammaantood soo jeediyey sida ay lagama maarmaanka u tahay in taageero buuxda loo fidiyo dadka saboolka ah iyo taakuleynta waddamada dhibaatooyinka bani’aadanimo ka jiraan, hawshaasna caalamku gacmaha isu qabsadaan.
Waxa kaloo masuuliyaantaasi sheegeen in muddada shirku socdo lagu lafa-guri doona sidii la isaga kaashan lahaa wax-ka-qabashada xaaladaha aadaminimo ee ka jira waddamada adduunka qaarkood, waxana la filayaa in la gebagebeeyo shirka toddobaadkan gudihiisa.
Guddoomiyaha Diiwaanka Sakada Somaliland Sheekh Siciid Maxamaed Faarax Jire oo shirkaas ka hadlay, ayaa ka-qaybgalayaasha uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxaannu sheegay in si toos ah Jamhuuriyadda Somaliland loogu casuumay shirkan, isla markaana sannad kasta ka qeyb-geli doonto shirweynahan caalamiga oo uu ku tilmaamay mid faa’iido weyn ugu fadhiya qaranka, gaar ahaan sidii taageerooyin wax-ku-ool ah caalamku ugu fidin lahaa Somaliland.
Ugu dambayn, Sheekh Siciid waxa uu kula taliyey dawladda Somaliland in laga qaybgalo shirarka caalamiga ee noocaan oo kale oo uu xusay inay wax badan ku soo kordhin doonaan dhinacyada horumarka iyo qaddiyadda aqoonsi-raadiska.Waa markii ugu horreysay ee Guddoomiyaha Hay’adda Diiwaanka Sakada Jamhuuriyadda Somaliland ka qaybgalo shirweyne noocan oo kale ah tan iyo markii Madaxweyne Siilaanyo xilkaas u magacaabay dhowr toddobaad ka hor, waxana la filayaa inuu dalka ku soo laabto Khamiista berri.