Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ku tilmaamay labada dawladood ee ugu dhego adag qaddiyada madaxbanaanida Somaliland, isagoo sheegay inaanu afka ka dhawrayn magacaabista labadaas dawladood.
Guddoomiyaha guurtida oo hadal ka jeediyay fadhigii shalay ee golaha guurtida, wuxuu kaloo si adag uga digay dilalka saraakiisha iyo weliba shacabka oo uu sheegay in haddii ay sii socoto ay qaranka meel xun gaadhsiinayso, waxaanu sheegay in qaran jab ay tahay qaran saraakiishiisii ugaadhsaday.
Nabadgelyada
Guddoomiye Saleban, isagoo ka hadlaya nabadgelyada qaranka, si gaar ahna u soo qabsanaya dilalka saraakiisha iyo weliba dilalka shacabka, wuxuu yidhi “Nabadgelyada, ma qurux badnaan idin leeyahay, waayo saraakiishii ka soo hoyanay, wax allaala wax lagu laynayana maynaan garan, saraakiil badan baa le’atay, waxaan filayaa madaxweynuhu guddi wuu u saaray uu yidhi soo dersa, aan kana war qabno, wixii aan ku kordhin karnana aynu ku kordhino, dal saraakiishiisa ugaadhsaday waa jab, waa jab weeye, hal dhubuqlihii baa batay, qof caadi ah oo la dilayo baa batay, koox kooxdii baa badatay, haddii aanay joogsanin oo gacan adag oo bir ah lagu qaban way balaadhan, mar haddii hal dhubuqluhu bato ta’ weyn bay tagaysaa, beelo ayay tagi; dee waynu is naqaanaaye, waxay ila tahay arrintaana gacan bir ah in lagu qabto, ciddii la timaadana inaan loo gelin jixin jix.”
Ictiraafka Somaliland
Guddoomiye Saleban, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ku bogaadiyay guddiga uu u magacaabay aqoonsi raadinta Somaliland, “Madaxweyuhu ictiraaf raadintii waaka guddi weyn u saaray oo balaadhan oo asxaabtu ku jirto, aad baan ugu bogaadinaynaa guddigaas balaadhan. Madaxweynaha iyo xukuumadiisaba waan ku bogaadinaynaa aan ka wada hawlgalno.” ayuu yidhi.
Isagoo ka hadlaya labada dawladood ee Maraykanka iyo Ingiriiska wuxuu guddoomiye Saleban yidhi “Aan ducaysanana in dee Adduunku wuxuun inaga qablo. Dawlado waaweyn ayaa inaga soo horjeeda sidii hore, maantay dawladaha waaweyni inoogu dhego adagyihiin, khusuusan Maraykanka iyo Ingiriiskaa inoogu dhego adag, afka waxba ka dhawri maayo, way inagu dhego adagyihiin. Bal guddidaana aan la shaqayno, xuuumadda iyo ciddii ay d diraysaba diyaar inaan u noqono waa lagama maarmaan.”
Guddoomiye Saleban, wuxuu kaloo ka hadlay abaaraha dalka ka jira iyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha, waxaanu xildhibaanada u soo jeediyay inay mar walba la socdaan xaaladda shacabka Somaliland.