Guddoomiyaha Diwaanka Zakada Somaliland Oo Madaxweynaha Ku Hambalyeeyay Fulinta Qisaasta

0
562

Hargeysa (Geeska)- Guddoomiyaha diwaanka Zakada Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire ayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku hambalyeeyay fulinta qisaasta qofka dila qof kale.

1

Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire oo qudbadii salaada jimcaha ee shalay ka jeediyay mid ka mid ah masaajidada waaweyn ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafada Jigjiga yar, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyay tallaabadii dhawaan qisaasta lagu fuliyay afartii gacan ku dhiigle.

Guddoomiyaha diwaanka Zakada Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatada ay caalamka Islaamka u leedahay mahdabta Shiicada, khaasatan ay qulqulatooyinka iyo fowdada ay ka wadaan dalalka Carabta, ee Sunniga ah, gaar ahaan Suuriya, Yemen, Ciraaq iyo Sacuudi Arabia, waxaanu ka waramay mahdabtaasi xiligii ay bilaabantay iyo xumaanta ay u hayaan muslimiinta Sunniga ah.

Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, oo ugu horrayn ka hadlay tallaabadii qisaasta ahayd ee dhawaan ay xukuumadda Somaliland ku fulisay dad gacan ku dhiiglayaal ah oo hore jariimado dil ah u geystay waxa uu yidhi “Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo go’aankii uu ku saxeexay in la fuliyo qisaastaas, waxaanu leenahay ILLAAHAY madaxweynaha miisaanka xasanaadka aakhiro ha u saaro, caafimaadkana ha u siyaadiyo, inta xilka u hadhayna ILLAAHAY sidaas ha ugu wado, oo horumarkaa iyo guulahaas is daba jooga ah ugu waaro.”

“Ummadda Islaamka ah waxaa ku waajib ah in ay tallaabadan wanaagsan ee xukuumaddu qabato ay ku hambalyeeyaan, wixii khaldanna ay si asluub leh oo aan warbaahinta la isu marin la isugu sheego, mar labaad iyo mar saddexaadba waxaanu madaxweynaha ILLAAHAY uga baryaynaa in uu u barakeeyo caafimaadka iyo cimriga, xilkana u fududeeyo, qisaastana sida uu ILLAAHAY quraankiisa inoogu sheegay waxay nololi  ugu jirtaa ummada Islaamka, waana arrin waajib ah oo diini ah iyada oo ay xaq u leeyihiin ehelada wax laga dilay in ay qaataan mag,” ayuu yidhi Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire.

Guddoomiyaha Diwaanka Zakada Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay mahdabta Shiicada iyo waxyeelada ay ku hayso dunida Islaamka, waxaanu yidhi “Mahdabtan Shiicada waxaa bilaabay nin Yuhuudi ah oo reer Yamaneed ahaa, in badan ayaanu ku dhex wareegayay ummadda Islaamka ah.”

“Mahdabtaasi aakhirkii waxa ay ku faaftay Dalka Masar, waana sababtii keentay dilkii Cusmaan Binu Cafaan ILLAAHAY raali ha ka ahaadee, waxaanay kow ka ahayd mahdabtaasi ninka Yuhuudiga ahi bilaabay dagaaladii waawaynaa ee Islaamka dhexdiisa, waxaana ka buuxa cadaawad iyo ceebayn ay u hayaan guud ahaan ummada Islaamka ah ee suniga ah, waxaanay ceebeeyaan Amiirradii Islaamka ee Cumar iyo Abuu Bakar Sidiiq iyo hablahooda” Guddoomiyaha diwaanka Zakada Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire waxaanu intaa ku daray “Dadka aaminsan mahdabtan Shiicadu waxa ay cibaato u haystaan iyo in ay xasanaad ka helayaan cayda Amiiradii Muslimiinta iyo dadkii xurmada ku lahaa Islaamka, waxaanay ku doodayaan in ay jecel yihiin ehlu baydka, waxyaabo badan oo khuraafaad ah ayaana ka buuxa, sida in Quraanka kariimka ahi aanu ahayn lix kun lix boboqol iyo lixdan aayadood ee la kala jaray, waxaanay sheegaan in uu ahaa todoba iyo toban kun oo aayadood, waxa kale oo ay aaminsan yihiin in meelihi ay ku aasnaayeen Xasan Xuseen ay ka fadli badan tahay Maka Al-mukarama, markaa dadkeena leh maxaa Shiicada loo sheeganayaa ee u haysta wax wanaagsan waxaan uga digayaa in ay la socdaan cadaawada iyo curfiga ay u hayaan ummada Muslimka ah ee Suniga.”

Guddoomiyaha diwaanka Zakada Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire waxa kale oo uu maxkamadaha iyo bahda garsoorka Somaliland ku bogaadiyay tallaabadii ay ka qaadeen nin Bagastaaniga ahaa ee dhawaan la xukumay, waxaanu yidhi “Ciidamada Nabadgelyada iyo Maxkamadu tallaabo wanaagsan ayay ka qaadeen ninkaasi lagu eedeeyay in uu fidinayay Mahdabta Shiicada, waxaan soo jeedinayaa in dalka laga masaafuriyo marka uu xukunku u dhamaado.”

Sheekh Siciid waxa kale oo uu khudbadiisi shalay ku soo qaatay xeerka baananka caalamiga ah ee hor yaala golaha wakiillada Somaliland, waxaanu yidhi “Xeerkaas baananku maadaama oo uu ka hor imanayo dastuurka Somaliland iyo shareecada Islaamka in ay ka fiirsadaan xildhibaanadu ansixintiisa oo ay gabi ahaan joojiyaan, maadaama ay ku jirto ribo, taas oo diinta Islaamku inaga nahyiday, ILLAAHAY uu yidhi cidda ribada qaadata iyo cidda jidaysa dagaal baan la galayaa, dunuubta kale ee waawayn midna ILLAAHAY kuma odhan cidda samaysa dagaal baa noo dhexeeya, laakiin Ribada ayuu ILLAAHAY sheegay in cidda qaadata uu dagaal la galayo, markaa xildhibaanada waaxaan leeyahay xeerkaas inaga joojiya oo ummadeena iyo nafihiina ba u naxariista, aakhiradiina u tudha.”