Guddoomiyaha Akaademiga Oo Kulan La Yeeshay Madaxweynihii Hore ee Ghana Mr. John A. Kofour

0
659

C360_2014-11-13-17-36-07-868Nairobi (Geeska) Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland Mr. Maxamed Faarax Xirsi oo muddo laba toddobaad ah ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda u ah Kenya, ayaa shalay kulan la yeeshay Madaxweynihii hore ee Dalka Ghana Mr. John A. Kofour iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Kenya H.E. Ole Kaparo.

Mr. Maxamed Faarax Xirsi oo shirar uu kaga qeybgalayey u jooga magaalada Nairobi, ayaa kulanka uu qaatay labada mas’uul ee John A. Kofour iyo H.E. Ole Kaparo, waxa uu uga warramay doorka uu Akaademiga Nabadda iyo Horumarku kaga jiro taabogelinta hannaanka dawladnimo ee dhinacyada Dimoqraadiyadda, Maamul-daadajinta iyo Is-waafajinta Bulshada dhexdeeda.

Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarku waxa uu uga xog-warramay Madaxweynihii hore ee Ghana tan iyo H.E. Ole Kaparo, tan iyo intii ay Somaliland dib ugala soo noqotay xornimadeeda Somaliland 1991-kii marxaladihii kala duwanaa iyo sida ay uga taabogashay hannaan Dimoqraadiyadeed ka dhex iftiimay Mandaqadda Geeska Afrika iyo dhammaanba Qaaradda Afrika.