Guddiga Qaban-Qaabada SOLJA Oo Uu Garabna Shirweynaha Iclaamiyay, Garabna Is Casilay

0
656

Picture1Hargeysa(Geeska)-Guddida qabanqaabada Shirweynaha Shanaad  ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa  u muuqda inay laba garab u kala jabeen. Xubno ka mid ah guddiga qaban qaabada ayaa ku dhawaaqay wakhtiga uu qabsoomayo Shirweynahaasi. Guddida oo Shir jaraa’idku qabtay Xaraf Hotel ayaa sheegay in 20-ka ilaa 21-ka bishan uu ku beegan yahay Shirweynaha shanaad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, ergooyinka ka qeyb galayaana ay noqon doonaan Boqol ergay. Laakiin xubno kale oo saddex ah ayaa iyaguna sheegay inay is casileen.

Gudoomiyaha Guddida qaban-qaabada Shirweynaha SOLJA Maxamed Maxamuud Ilkacase, isagu ka hadlay wakhtiga uu Shirweynuhu dhacayo, qaabka uu u dhici doono iyo Ergooyinka ka qeyb galaya, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Muddo badan ayaa lana sugaayey, oo la lahaa Ururadii kale ee la mid ahaa Saxaafadu Shirarkoodii si fiican ayey u qabsadeen, ee Ururkii Saxaafadda ee Bulshada hagaayey ee iyaga taloow  waxoogii goormuu ka soo bixi doonaa, Shirkii waxa uu inoo qabsoomi doonaa oo aanu hawshii ku soo afmeernay, 20 ilaa 21 bishan, muddo laba maalmood ah, Hargeysana uu ka dhici doonaa.

Dhammaan Ergooyinka, Saxaafadda, Wariiyayaasha iyo cid kasta oo la casuumay oo loo sheegay oo Shirkan ergay ka ahi inay diyaar-garawdo, sidaas ayaana Ergooyinka Gobolada iyo Degmooyinka Dalkuna ku war helayaan”.

Sidoo kale waxa iyana halkaas ka hadlay Yaxye Sheekh Ismaaciil iyo Saleebaan Ibraahim Xaashi oo ka mid ah Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Shanaad ee Ururka Suxufiyiinta Solja, waxayna ka halkaas kaga jawaabeen su’aalo door ah oo la weydiiyey.   

Dhinaca kale Saddex ka mid ah Todobaadii xubnood ee Guddida qaban-qaabada oo kala ah Guddoomiye ku xigeenka Guddida qaban-qaabada Shirka Solja Najax Aadan Cunaaye, Cabdifataax Maxamuud Caydiid iyo Aadan Cabdi Ciidle  ayaa sheegay inay iska casileen Xubinimada Guddida ka dib markii sida ay sheegeen xubnaha kale ka leexdeen Dastuurkii Guddida.

“Waxa aanu maanta oo ay taariikhdu Tahay September 13 2014 aanu iska casilnay Xubinimadii guddida qaban-qaabada shirweynaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja.

Runtii sida magaca ku cad ururka SOLJA waxa iska leh oo ku midaysan saxafayiinta Somaliland ee meel kasta oo ay joogaan, ergaduna waxa ay ka imanaysaa uun iyaga, laakiin xubno han ka fog ka guddida qaban qaabada ayaa marin habaabiyay, waxaanay u leexiyeen oo ay xuquuqdii suxufiyiinta madaxa banaan u leexiyeen dhinaca xarumaha warbaahinta.

Waxa aanu maanta laga bilaabo u cadaynaynaa cidii ay khusaysay hawshii baaxada lahayd ee aanu haynay in aanu iska casilnay” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka saddexda xubnood isku casishay.”