Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano Golaha Wakiilada ah , gaar ahaana ka tirsan Guddida joogta ah oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cabdiraxmaan Talyanle), Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, Xildhibaan Cabdi Maxamuud Jaamac, Xildhibaan Maxamed Xuseen Ciise iyo Xildhibaan Marwo Baar Siciid ayaa ka casuumad casho sharaf ah u sameeyey Xildhibaan Hemednace, oo ah muddane ka tirsan Barlamaanka dalka Sweden, oo booqasho ku yimid dalka Somaliland.
Caasumadan casho sharafta ah oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxa lagu qabtay Suldaan Hotel ee Magaalada Hargeysa waxaana ka soo qayb galay Xildhibaanada Guddida joogta ah ee Golaha Wakiilada iyo sidoo kale Xildhibaanka Barlamaanka Sweden ee booqashada ku yimid dalka ee Heednace, Guddoomiyaha Ictiraaf raadinta Somaliland ee dalka Sweden, Maxamed Yuusuf Bidhiidh, Safiirkii hore ee dalka ee Somaliland u fadhiday dalka Sweden Marwo Rooda Jaamac Cilmi iyo Xoghayaha Guddida Somaliland ee dalka Sweden Samiir Ducaale.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cabdiraxmaan Talyanle), oo isagu ugu horeyn Munaasibadan caasumadda ah ka hadlay ayaa Xildhibaan Hemednace, si xeel dheer ugu sharaxay, faah-faahina ka siiyey marxaladihii kala duiwanaa ee ay Somaliland soo martay, halgankii ay u soo martay inay xoryiadeeda dib ula soo noqoto, heerka ay maanta marayso iyo halka ay hiigsanayso, waxaanu yidhi “Sida aanu ka war qabno Sweden iyo Norwey, isku mid ayey ahaayeen, oo isku dal ayey ahaayeen, balse halgan dheer kadib dalka Sweden dib ayey ula soo noqotay xoriyadeedii, maanta waa mid ka mid ah dalalka ugu hormarsan Caalamka, waxaana dawladda Sweden iyo dadkeedaba ugu mahadnaqayaa kaalmada kala duwan ee ay Somaliland u fidiyaan, sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dhaqlaaha, sidaas oo ay tahay Muddane Xildhibaan Hemednace,waxaan ku sheegaya inay halgankaas Sweden soo martay in halgan la mid ah soo martay Somaliland, oo dib ay ula soo noqotay madax banaanideedii, oo ay ku biirtay Somaliya, oo gobonimadii ka hor qaatay, manaha aha in la isku khaldo Somaliland iyo Somaliya ee waxay ahaayeen markii hore laba dal, oo kala madax banaan, balse waxa dhaba ah in markii ay Somaliland dhib aad u fara badan kala kulantay Somaliya, ee danteedii ka arki weyday ayey dib ula soo noqotay xoriyadeedii, waxaana gooni usutaga Somaliland lagaga dhawaaqay Magaalada Burco 18/5/1991, waxaana Madaxweynihii ugu horeeyey uu ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur), oo ahaa Guddoomiyihii SNM, 25-sano ee ay Somaliland jirtayna waxa u hirgalay Dimuqraadiyad, Nidamka Axsaabta badan, Doorashooyin xor iyo xalaal ah, markaas maanta Ictiraafkii oo qudha ayaa naga dhiman, markaas muddane Xildhibaan Hemednace,waxaanu ka codsanayna in markaad ku noqoto dalkaagii inaad fariin naga gaadhsiiso dawladdii iyo dadkii ku soo doortay, oo aad u sheegto waxaad Somaliland ku soo aragtay iyo heerka ay maanta marayso”.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ayaa sidoo kale aad ugu mahadnaqay , Guddoomiyaha Ictiraaf raadinta Somaliland ee dalka Sweden, Maxamed Yuusuf Bidhiidh, Safiirkii hore ee dalka ee Somaliland u fadhiday dalka Sweden Marwo Rooda Jaamac Cilmi iyo Xoghayaha Guddida Somaliland ee dalka Sweden Samiir Ducaale, waxaanu sheegay inuu ugaga mahadnaqayo sida wanaagsan ee ay qadiyada Somaliland ugu shaqeeyaan.
Xildhibaan Hemednace, oo isna munaasibadan caasumada ah ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay caasumadan loo sameeyey iyo sida loogu soo dhaweeyey Somaliland, waxaanu tilmaamay in booqashada uu ku yimid dalka uu aad ugu faraxsan yahay, isla markaana marka uu noqdo inuu ka shaqeeyn doono qadiyada Somaliland iyo sidii ay Ictiraaf buuxa uga heli lahayd dalka Sweden, waxaanu tilmaamay inuu indhihiisa ku arkayn oo aanay cidi u sheegaynin horumarka balaadhan ee dhinaca kasta ah ee ay Somaliland gaadhay, ta kale wuxuu tilmaamay inuu maqlay, kana war qabo in Xildhibaanadan Guddida joogta ah ee iyagu munaasibadan kula sugnaa in dhammaantood ku kooban yihiin Gobolada dalka, oo Gobolka Sanaag yahay Gobolka ugu balaadhan ee dalka, isla markaana laga soo doortay Xildhibaan Talyanle, Xildhibaan Maxamed Salaax iyo Xildhibaan Baar Siciid.