Guddiga Horumarinta Beelaha Arab Oo Kulankoodii U Horeeyay Yeeshay

0
582

Waxa maanta [shalay] oo ay taariikhdu tahay 06/09/2014 kulankoodii ugu horeeyey isugu yimid Hotel hadhwanaag guddida horumarinta beelaha Arab, guddidan oo dhawaan lagu doortay shirwaynihii beelaha Arab ee ka dhacay magaalada Baligubadle ee Caasimada Gobolka Hawd, guddidan oo loo doortay  in ay ka shaqeeyaan horumarinta Beelaha Arab. Waxa maanta kulankoodan ka soo qayb galay inta badan ee guddida horimarinta Beelaha Arab, waxana ay maanta gudidani iska saareen guddi farasamo oo soo diyaarintoona xeerka iyo shuruucda ay isku maamuli doonta. Waxa kale oo gudidani soo jeedisay dadwaynaha ay mataalaan  in danta guud meel looga soo wada jeedsado,isla markaan waxay ka codsadeen dhammaan shacabka ay matalaan in ay ula shaqeeyaan si hagar la’aana. Guddiga horumarinta Beelaha Arab Allaa Mahad Leh