Guddiga Doorashooyinka Oo Qaadacya Guddiga Xalinta Khilaafaadka Oo Ay Dalladda SONSAF Samaysay

0
586

Hargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay guddi ay dhawaan daladda SONSAF samaysay oo ah guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

1

Afhayeenka guddiga doorashooyinka qaranka Md. Siciid Cali Muuse, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu guddigaas ku tilmaamay waxba kama jiraan, isagoo dalada SONSAF ugu baaqay inay faraha kala baxaan hawlaha doorashada. Warsaxaafadeedka guddiga doorashada qaranka ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Guddiga doorashooyinka qaranku wuxuu halkan ku cadaynayaan in guddiga loogu magac daray “Guddiga xalinta khilaafaadka

doorashooyinka” ee ay ku dhawaaqeen daladda ururada aan dawliga ahayn ee loo soo gaabiyo SONSAF, sida ku soo baxday warbaahinta kala duwan taariikhdu markay ahayd 08/09/2016, aanay ahayn mid ku dhisan sharci.

Komishanka doorashooyinka qaranku wuxuu si cad u qeexayaa inaanay SONSAF lahayn awood sharciyeed (mandate) oo ay ku abuuri karto khilaafaadka doorashooyinka. Cidda keliya ee u igman qarankana uga masuul ah inay xaliyaan khilaafaadka iyo cabashooyinka doorashooyinka waa guddiga doorashooyinka qaranka sida ku cad qodobka 14aad, faqradiisa 7aad ee xeerka doorashada (Xeer Lr.20/2001). Muranada iyo cabashooyinka la xidhiidha doorashooyinku waxay leeyihiin hab raac iyo jaran jaro dhammaystiran oo loo raaco xalintooda, kana bilaabanta goobta cod bixinta, loona gudbiyo xafiisyada heer degmo, heer gobal iyo heer qaran ee guddiga doorashooyinka qaranka, waxaanu habraacaasi ku dhammaadaa maxkamadda sare ee distooriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Hab raacaasi lagu xaliyo wixii murana ee doorashooyinka ka soo baxaa waxa si cad u faahfaahinaya xeerka doorashooyinka sida xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo goleyaasha deegaanka, qodobadiisa 14aad, (7), 49aad, 53aad (4), 57aad (C), 59aad (3), 62aad (1, 2,3,4), 64aad (A), 65aad (1, 2), iyo si waafaqsan qodobada 46aad, 49aad (4), 50aad (3), 53aad (J), 57aad (F), 59aad (C), 61aad (1,2) ee xeerka doorashada golaha wakiilada (xeer Lr. 20-2/2005).

Haddaba, waxa layaab leh in hay’ad aan wax awood ah ku lahayn geedi socodka xalinta khilaafaadka iyo cabashooyinka doorashooyinka, islamarkaana aan lahayn xil distoori ah ama xeer u jideeyay inay magacawdo guddi aan xeer jidayn taas oo baal marsan hanaanka sharci ee xalinta khilaafaadka iyo cabashooyinka doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka qaranku waxay ka digayaan cawaaqib xumada ay yeelan karto abuurista iyo ku dhawaaqista guddi aan sharci ku dhisnayn taas oo cawaaqib xumo dhaxal siin karta hab sami u socodka doorashooyinka, nabadgelyada, xasiloonida, kala dambaynta sharci iyo kalsoonida shacabku ku qabaan doorashooyinka.

Waxaanu hay’adaha xukuumadda, sharci dejinta, garsoorka iyo dhammaan daneeyayaasha la socod siinaynaa in guddigaas ay samaysay SONSAF aanay awood sharci u lahayn shaqadaas, islamarkaana baal marsanyihiin hanaanka iyo hab raaca xalinta khilaafaadka iyo cabashooyinka ka soo baxa doorashooyinka ee sharcigu jideeyay. Sidaas darteed go’aan kasta oo ay soo saaraan uu yahay waxba kama jiraan (Null and void).

Guddiga doorashooyinka qaranku waxay ugu baaqayaan SONSAF inay faraha kala baxaan shaqada iyo awoodaha sharci ee guddiga doorashooyinka qarank u igmanyihiin ugana masuulyihiin qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”