Hargeysa(Geeska)-Xubnaha guddiga doorashooyinka qaranka ayaa la filayaa inay maanta hortagaan golaha wakiilada Somaliland si wax looga weydiiyo hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan.Guddiga doorashooyinka ayaa waxa ay maanta golaha wakiilada uga warbixin doonaan sida ay hawlahoodu u socdaan iyo halka ay u marayaan qorshayaashooda ku waajahan qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, waxaana la filayaa inay mudanayaasha golaha wakiiladu su’aalo badan weydiiyaan xubnaha guddiga doorashooyinka ku saabsan wakhtiga rasmiga ah ee ay doorahada ku qaban karaan iyagoo bilowga diiwaangelinta u cayimay bisha jullaay ee sannadkan, waxaana la filayaa in wakhtiga ay xalay madaxweynaha u gudbiyeen ay maanta cadeeyaan.
Si kastaba ha ahaate kulanka maanta ee golaha wakiilada iyo guddiga doorashooyinka ayaa la filayaa inay guddiga doorashooyinku ku bixiyaan warbixin mug leh oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka oo ay shacbigu aad u naawilayaan inay xogo dheeraad ah ka helaan.