Hargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa cayimay wakhtiga ay bilaabmayso diiwanagelinta gobalka Maroodi-jeex iyo degmada Salaxlay.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Siciid Cali Muuse oo ka tirsan guddiga doorashadu, wuxuu ku dhawaaqay in diiwaangelintu gobalka Marodi-jeex ka bilaabmi doonto 30 bishan April, waxaana warsaxaafadeed uu Siciid Cali Muuse soo saaray uu ku yidhi sidan “Sidaad la socotaan diiwaangelinta doorashada waxa la hakiyay muddo bil ah (Bisha April) ka dib markii ay dalka Somaliland ka dhacday abaar saamaysay dadka iyo xoolaha taas oo u badnayd galbeedka iyo meelo ka tirsan bariga Somaliland. Alxamdulilaah meel badan roobab fiican ayaa ka da’ay taas oo ah mid Alle loogu mahadnaqo.
Sidaas daraadeed komishanka doorashooyinka qaranku wuxuu ku dhawaaqayaa in diiwaangelintii gobalka Maroodi jeex (Hargeysa iyo Salaxley) ay bilaabmayso bishan April 30, taas oo ku beegan maalin Sabti ah, saacadu markay tahay 6 subaxnimo. Waxa kale oo jiri doonta xaflad furitaan oo dhacaysa khamiista bishu tahay 28-ka.
Maalinta ku xigta ee Jimcaha, shaqaalaha goobaha ayaa u kala bixi doonta goobaha diiwaangelinta ee ay ku kala qoranyihiin. Diiwaangelintu waxay dhammaantaa bisha May 27, haddii Eebe idmo.
Komishanka doorashooyinka qaranku wuxuu rajaynayaa in si nadiif ah oo nabadgelyo ay diiwaangelintu inoogu bilaabanto islamarkaana ku dhammaato.”