Goorma Ayuu Ismaaciil Buubaa Ku Soo Noqonayaa Somaliland?

0
514

Picture1

Hargeysa (Geeska)-Ismaacil Maxamuud Hurre   oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan mawqifka midawga Somali weyn, oo hadda ku sugan Wadanka Somaliya, ayaa ka hadlay khilaafyada Siyaasadeed ee ka taagan Somaliland iyo Somaliya, gaar ahaan khilaafka ka dhex aloosan Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu sheegay inuu aad ula socdo xaalada Somaliland, waxaanu xusay in mar walba oo Doorashada Somaliland soo dhawaato inuu is qabsi iyo khilaaf dashaan. Waxa kale oo uu ka hadlay wakhiga uu iman doono dalkiisa Somaliland.

Ismaaciil Maxamuud Hurre  ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka muddooyinkii ugu dambeeyey u dhexeeyey Madaxweynaha Somaliya iyo Raysal wasaarihiisa, waxaanu sheegay in khilaafkaasi aanu ahayn mid aad u culus.

Ismaaciil Maxamuud Hurre  oo khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika isagoo jooga magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay inuu aad u rajanayo in wada hadaladaas xal laga gaadhi doono.

Ugu horayn isagoo ka hadlaya khilaafka ka dhex jira madaxda Somaliya, wuxuu yidhi

“Anigu wax weyn oo balaadhan uma arko khilaafkan ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Raysal waraasaraha Somaliya, waxaana u arkaa in la soo afjari karo, oo ah inay is fahmaan oo ay wada shaqayaan, waxaana haboon in wixii khilaaf ah ee dhexdooda ah inay dhammaystaan”.

Ismaaciil Maxamuud Hurre mar oo la weydiiyay sida uu u arko khilaafka Somaliland siyaasiyiinteeda ka dhex jira wuxuu yidhi  “Xaalada Somaliland waan la socdaa, oo aad ayaan ula socdaa, waxa loo baahan yahay in xaalada la dejiyo, oo la is fahmo, is qabsigani, imikuun muu iman ee Doorashada Somaliland mar walba oo ay soo dhawaato waa la is qabsadaa, maahana markii ugu horeeysay ee is qab-qabisiga noocaasi ahi yimaado,, oo dhawr jeer oo hore is qabsigani uu yimid xalna waa loo helay, tana waxaan qabaa in xal loo helo, laakiin rayi kala duwanaantu, caalamka oo dhan ayey ka jirtaa,  oo Wadan Caalamka ahi oo aan Siyaasadiisa lagu kala duwanayni ma jiro, nolosha sidaas ah, laakiin in xal la keeno oo dhex dhexaadin laga galo weeye, oo wixii jira markaas si toos ah looga wada hadlo”.

Ismaaciil Maxamuud Hurre  mar aanu waxa ka weydiinay sida uu u arko wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxa uu ku jawaabay “Wada hadalada  Somaliland iyo Somaliya waxaan u arkaa talaabo wanaagsan, Anigu Somaliland ayaan ka soo jeeda, oo runtii wada hadaladaasi dhinacuun ayey u dhacayaan, oo Anigu waxa aan u arkaa midnimada Somaliya inay ku xidhan tahay dadka reer Somaliland, waxaan u arkaa dhibaatooyinka haysta dadka Somaliya inay ka saarayso iyada oo Somalidu isku timaada oo ay wada hadasho, oo wixii jira la soo bandhigo, oo danta Umadda laga wada hadalo, oo la isa soo ag fadhiisto, iyo in wax la wada qabsado, oo la wada noolado oo horumar la wada sameeiyo”.

Ismaaciil Maxamuud Hurre  isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Shantii Somalida, ee kala ah Somaliland oo uu haystay Ingiriisku, Somaliya oo uu haystay Talyaanigu, Jabuuti oo uu haystay Faransiisku, Somalida Itoobiya iyo Somalida Kenya, waxa midoobay Somaliland iyo  Somaliya, markaas waxa muhiim ah in la wada hadlo oo dhinacuun la isku fahmo, waxaana u arkaa in dhibta Somaliya ka taagani ay Somaliland xal u heli lahayd”

Ismaaciil Maxamuud HUrre  ayaa mar aanu wax ka weydiinay inuu Somaliland imanayo iyo in kale ayaa yidhi “Haa shaki kuma jiro in aan Somaliland u dhashay, oo waan hubaa in aan iman doono haddii ILLAAHAY nafta ii daayo Somaliland,  oo aan dadkaygii u yimaado, waxaana iman doonaa marka aan ka fikiro mawqifkayga siyaasadeed, isla markaana uu imaansha aan imanayo Somaliland uu noqdo mid dadka reer Somaliland u cuntama, laakiin ma doonayo in imaansha aan imanayo Somaliland inuu buuq ka yimaado, oo sababa is jiid-jiidan iyo is qabsiba dadkayga dhexdiisa.”