Goorma Ayaynu Noqonaynaa Ummad Uu Sharcigu Kala Hago !!?

9
403

 

aadanMarkaad akhrido buugaagtii hore ama warbixinadii ay dadkii ajaanibka ahaa ee Somaliland joogi jiray ay ka qoreen ummadda reer Somaliland ku dhaqan, waxay badankoodu isku wada raaceen oo ay ku kala baydhi waayeen in ay yihiin dad aan jeclayn in ay ku dhaqmaan nidaam iyo sharci loo dhigo. Hadalka noocaas ah waxa loo haystay mid ay cunsirnimo ku jirto oo ka soo yeedhay gumetstayaal. Waxaadse moodaa in qarni ka dib uu sifahaas la inagu macneeyey uu weli sax yahay illaa maantadaa aynu joognay.

 

Waxa Somaliland curyaamiyey sharci iyo dastuur lagu tunto oo marka la doonana, lagu dhaqmo, marka la doonana la laabo. Mana aha ku tumashada ama baalmarka sharcigu mid ku kooban kuwa masuuliyadda loo igmaday oo keliya balse waa mid dhinaca dadweynahana ka timaadaa.

Waxaad matalan arkaysaa in ninka sarkaalka ah ee dowladda kaga lacag qaataa inuu dadka alaabta dekedda kala soo degaya uu u cashuuro, in ninkii ganacsatada ahaa ee alaabta la soo degayey uu lacag laaluush ah siiyo si uu degdeg alaabta ugu cashuuro oo uu ganasatada kale uga horreeyo iyo in weliba cashuur ka yar wixii u bixin lahaa lagu siiyo alaabtiisa. Waxaynu aragnay in ninkii xaakinka ahaa ee dowladda kaga lacag qaadanayey inuu dadka u kala gar qaado ee ay ahayd inuu isagu sharciga ilaaliyo in inta lacag la siiyo uu kii gartaa lahaa uu denbiga ku oogo. Waxaynu aragnay in dhul aad iibsatay in nin kale waraaqo loo soo siiyo oo lagugu qabsado. Waxaynu aragnay in inan yar oo xabbad timir ah xaday jeelka la dhigo, nin malaayiin xadayna aanu sharcigu qaban. Waxaynu soo aragnay sida dastuurka ay dowladdii hore ugu tumatay taasoo gaadhay heer madaxweynaha maamuus ka xayuubin lagu soo oogo.

Haddaba waxa ayaan darro ah in kuwa sharciga jebiya ee ku tuntaa ay had iyo jeer yihiin kuwii loo igmaday inay iyagu ilaaliyaan oo hubiyaan in lagu dhaqmo, dadweynuhuna ay markaas bilaabeen inay dhinacooda ka jebiyaan. Marka sharciga kii fulin lahaa iyo kii lagu fulin lahaaba ay labaduba ku dhoobaystaan sharciga markaas meeshaas waddan laguma sheegi karo. Ummad qaran iyo dowladnimo sheeganaysa waa inuu sharci kala hagaa oo loo sinnaadaa.

Maanta Somaliland waxyaalaha curyaamiyey waxa ka mid ah dastuur lagu tunto, xeer la baalmaro oo la jeefiyaana bannaan laga soo qaado. Dhibaatooyinka maanta ugu waaweyn ee waddanka ka taagan waxa sal u ah xeerarkaas la iska baal maray ama la ixtiraami waayay. Waxa uu maanta waddanku madax iyo mijo u kala yeelan waayay oo hay’adahii dastuuriga ahaa oo dhan xaaraantimeeyey muddo dhaafka ku dhacay doorashadii madaxtooyada oo ay ahayd in la qabto April 2008 balse masuuliyiintii dowladdii hore kas iyo maag ay dastuurka isaga indho tireen si uu xukunkoodu u sii cimri dheeraado, muddo dhaaf ku dhacay doorashadii deegaanka, muddo dhaaf ku dhacay doorashadii golaha wakiilada iyo muddo dhaafka ku dhacay doorashadii golaha guurtida. Mugga iyo baaxadda mushkiladahaasi la soo dersay hay’adihii dastuuriga ahaa oo dhan waa qaar ay ka dhalatay iyadoo la ixtiraami waayey dastuurka iyo qawaaniintii waddanka u taalla iyo kuwii falalkaas foosha xun geystay oo sharciga lala tiigsan waayay. Sidaa awgeed in sharciga lagu tunto waxay noqotay wax iska caadi ah oo aan lala yaabin.

Waxaynu wada xasuusannaa markii aynu ixtiraami weynay qawaaniintii iyo dastuurkii waddanaka u taallay, in ugu dambeyntii sandullayn iyo farogelin shisheeye aynu ku qabanay doorashadii madaxtooyada oo ah doorashada keliya ee maanta xalaal ka ah doorashooyinkii ay ahayd in waddanka laga qabto beri hore. Waxa dowladdan dabcan qasaba ku noqotay in qaladaadkii dastuuriga ahaa ee waddanka xagga kale u kala wareejiyey inay isku daydo inay saxdo oo ah qaar aan hawl yarayn. Hase ahaatee sida loo saxaa si fudu maaha ee sabur iyo dedaal badan oo waddaninimo ku jirto ayey u baahntahay.

Waxa dowladdani ansixisay in xisbiyada la furo oo doorasho cusub la qabto si ay xisbiyo cusubi u soo baxaan. Isla mar ahaantaa waxa uu madaxweynuhu muddo kordhin u sameeyey golaha wakiilada iyo guurtida. Sida la isu waafajin doono xisbiyada cusub ee soo baxa, muddo korodhsiga labada gole iyo xilliga doorashooyinka la qaban doono iyaduna waa dhibaato kale oo meel sii taalla. Doorashadii deegaanka ee ahayd in marka hore la qabto ayeynu immika dib ugu noqanayna waayo waxaynu is-weydaarinay doorashadii madaxtooyada iyo doorashadii deegaanka. Xisbigii shacabku codka siiyeen sannad ka hor ayaa haddana dib u geliya tartan doorasho ooh or leh.Waxaas oo khalkhal iyo is-dhaaf ah waxa keenay sharci la baalmarayo iyo dastuur ay dowladdii hore ixtiraami weyday.

Haddaba waxaan uga golleeyahay dastuurka iyo sharciga oo aan la ixtiraamayn dhibaatada iyo mushkiladda uu mujtamaca kaga tegayo oo aynu aragnay. Waxa jirta in dastuurka xisbiga KULMIYE uu Qodobka 16aad, Farqaddiisa 2aad sheegayso in shirweynaha xisbiga shantii sanoHal Mar la qabto.  Waxa la filayey in doorashadii madaxtooyada ee Somaliland la qabto April 2008 sidaa awgeed xisbiga KULMIYE wuxuu hore u soo qaddimay shirweynihii xisbiga. Haddaba si loo kala duwo doorashadii madaxtooyada ee dhici weyday waqtigeedii iyo shirweynaha xisbiga KULMIYE waxay kaliftay in shirweynihii xisbiga la qabto 29-31kii March 2008 duruufta markaas jirtay awgeed. Doorashadii madaxtooyadu waa tii iska jiitantay.

Haddaba iyadoo immika aanay jirin wax duruufo ah ayaa waxa soo if baxaya in hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE qudhoodu ay mooddo inay u heellan yihiin inay shirweynaha xisbiga ay qabtaan March 2012 halkii laga qaban lahaa March 2013 oo shantii sannadood ay ku buuxdo sida dastuurka xisbiga ku qeexan. Marka laga soo tiriyo markii shirweynihii ugu dambeeyey ee xisbiga la qabtay ee March 2008 sida uu qeexayo dastuurka xisbigu waxay noqonaysaa in la qabto shirweynaha kale March 2013 ee ma aha March 2012.

Waxa shirguddoonka xisbigana ka sii daran kuwa kale oo u bax-baxsanaya in shirka la qabto immika oo aan la fahmayn waxay uga dan leeyihiin iyo waxay uga jeedaantoona.

Waxa ayaan darro ah in guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga  KULMIYE uu dhawaan saxaafadda soo dhex dhigo ogeysiis ku baaqaya in la qabanayo shirweynihii xisbiga iyadoo waqtigeedii aan la gaadhin. Taageerayaal badan oo xisbiga KULMIYE ka tirsan ayaa la fajacay sababta iyo ujeedada looga dan leeyahay shirweynahan deg degga ah ee la doonayey in la qabto 6dii June 2011 ee aan waafaqsanayn sida dastuurku qeexayo.

Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE waa in sida uu dastuurka xisbigu dhigayo ay raacaan oo shirka qabtaan March 2013. Maanta ma jirto duruuf lagu marmarsiyoodo oo uu hoggaanka sare ee xisbigu hore ugu soo dhigo doorashada. Waa in aynu noqonaa ummad sharcigu kala hago oo aynu ka ilbaxnaa sharci kolba la qalloociyo.

Jamal Madar, London, UK

Comments are closed.