Hargeysa (Geeska)-Mooshin ka dhan ah Maayarada dalka, oo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ay hor keeneen Shalay Golaha ayaa cod loo qaaday.
Mooshinkan ka dhanka ah Maayarada dalka, oo fududaynaya in xilka laga qaado,isla markaana codka lagu ridayo uu yahay hal dheeri isaga oo mooshinkana uu meesha ka saarayo xeerkii hore ee ahaa in saddex meelood laba meelood ay xilka ka qaadi karaan Maayarka.
Kal-fadhigii loogu codaynayey Mooshinkan oo Shalay ka dhacay Xarunta Golaha Wakiilada, shir gudoominayeyna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro),ayaa waxa nuxurka Mooshinkan halkaas ka akhriyey Xoghayaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle waxaanu yidhi “Sida uu tilmaamayo qodobka 42-aad farqadiisa afaraad, xeer hoosaadka in La taliyaha Sharcigu hubiyo in Mooshinku waafaqsan yahay Xeer hoosaadka iyo Dastuurka Somaliland, kadib markii aan darsay nuxurka ku saabsan Mooshinaka ku saabsan soo jeedinta wax ka bedelka iyo kaabista Xeerka ismaamulka Degmooyinka iyo Gobolada xeer 23, waxa aan si mug leh u eegay Sharciyada, qodobada iyo farqadaha ay Muddanayaashu soo jeediyeen, oo aan meelna u dhaafsiisnayn nuruxka iyo xayndaabka xeerka oo ka dheegmay qodobka 10 iyo 11aad ee Dastuurka oo sheegaya ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka dalka, kadib markii aan eegay qodobka xeer hoosaadka 42 farqadiisa 1 iyo qodobka 31 oo awood siinaya 11 xildhibaan iyo in ka badan inay soo jeedin karaan soo jeedin Mooshin si aan u hibiyo inay buuxiyeen qodobada, waxa aan xaqiiqsaday markii uu Guddoomiyuhu isaga oo raacaya qodobka 42aad ee xeer hoosaadka fadhigiisi 23aad, 12/05/2015, uu xaadiriyeyXildhibaanadii soo gudbiyey Mooshinkan oo dhan 44 xildhibaan, waxa uu Mooshinkaasi helay tirade Xildhibaanda ee Sharcigu ogol yahay inay Mooshin keeni karaan, in mooshinkani waafaqsan yahay Dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha, waanu ansaxay waana la gali karaa doodiisa”
Intaas ka dib Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) waxa uu ka codsaday Xildhibaanadii fadhiyey kal-fadhigaas inay cod u qaadan Mooshinkan, waxa ogolaaday Mooshinkan 21-Xildhibaan, waxa diiday 25-xildhibaan, 6-xildhibaanae wey ka aamuseen, sidaas waxa meesha kaga baxay oo lagu celiyey Mooshinkii ka dhanka ahaa Maayarada.