Golaha Wakiilada Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Diiday Xeerka Qandaraasyada Qaranka

0
571

Hargeysa(Geeska)-Golaah wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday xeerka qandaraasyada qaranka oo ay xukuumadda Somaliland u soo gudbisay.

1

Fadhigii shalay ee golaha wakiilada oo uu shirguddoominayay guddoomiye-xigeen Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxa ka soo qayb galay 45 mudane, waxaana xeerkaas diiday 33 xildhibaan, halka ay 7 xildhibaan ogolaadeen, 4 xildhibaana ka aamuseen.

Gudoomiye-xigeen Baashe ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada codaynta ee ka dhanka ah xeerka qandaraasyada qaranka.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka mid ahaa mudanayaasha xeerkaas diiday, ayaa diidmada golaha wakiilada ku sababeeyay madaxbanaanidii ay guddiga qandaraasyada qaranku lahaayeen oo uu xeerkani meesha ka saaray islamarkaana hoos geeyay wasaaraadda maaliyadda. “Guddi aan madaxbanaanayn weeye, way u eegtahay inay madaxbanaantahay, ta labaad waxa kale oo jirtay awoodihii ay guddigu lahaayeen ee ahaa wax alla wixii hantida qaranka ee la iibinayo iyagaa lahaa, waxa lagu soo qoray inay wasaaraduhu u madaxbanaan yihiin inay iibin karaan iibsana karaan wax kasta.” ayuu yidhi xildhibaan Siciid, waxaanu intaas raaciyay “Guddiga madaxweynahaa magacaabi jiray, waxa imika lagu soo qoray wasaarada maaliyadaa magacaabaysaa, awoodihii oo dhan ayaa laga dhilay, wasiir waliba wuxuu doonayaa inuu hantidii umadda iskii u madaxbananaado oo uu xaraasho. taas ayaanu ku diidnay, dawladnimadii ayuux eerkani meel kaga dhacayaa, hantidii qaranka oo aanay imika waxba ka noolayn ayaa la fadhataysanayaa, taas ayaa goluhu ku diiday.”