Hargeysa(Geeska)-Golaha guurtida ayaa ku kala guntaday xildhibaanada golaha wakiilada oo laba mooshin oo kala aragti duwan doonayay inay soo hor dhigaan golahaas.
Labaataneeyo xildhibaan oo uu hogaaminaayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Siciid Jaamac Cali, ayaa ka soo qaybgalay fadhigii shalay oo la filaayay in la hor keeno laba mooshin oo mid hoos loogu dhigaayay codadka guddoomiye Cabiraxmaan Ciro lagu ridi karo, kuwaas oo hadda ah 55 Cod, waxaan mooshinkan lagu doonayaa in 42 cod laga dhigo, halka mooshninka kale lagu doonayay in xilka lagaga qaado labada guddoomiye ku xigeen ee golaha wakiilada, inkasta oo guddoomiyaha aqalkaas Cabdiraxmaan Ciro uu sheegay in aan labadaas mooshin midna soo gaadhin.
Labada guddoomiye ku xigeen ee golaha wakiilada Baashe Maxamed faarax iyo Cali Yuusuf, ayaa ka soo dhex muuqday kuraasta xildhibaanada iyaga oo soo barbar maray kuraastii loogu talo galay, waxaana golaha subaxnimadii shalay aad u hadheeyay shirar doceedayada xildhibaanada moooshinadan kala watay.
Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Ciro ayaa si rasmi ah u furay fadhigii gola ee caadiga ahaa waxaanu markiiba hadal siiyay xubnahii golaha guurida ee shirkaas ka soo xaadiray guddoomiyahooda waxana hadalkiisa ka mid ahaa “Golaha waxa u socotay doodii xeerka ka ganacsiga baanka.waxaad arkaysaan mudanayaashii golaha guurtida oo uu hogaaminayo kusimaha guddoomiyaha guddoomiye ku xigeenka koowaad, waxay iga codsadeen in aynu kalmad siino,waxaan jecelahay inuu soo jeediyo kalmadaas.”
Intaas kadib guddoomiye ku xigeenka golaha guurtida Siciid Jaamac Cali ayaa golaha wakiilada hor dhigay codsi, waxaanu yidhi“Muadnayaal iyo marwooyin waad salaamantihiin,waad aragtaan odayaasha halkan fadhiya,aniga oo ku hadlaaya magaca golaha guurtida, magaca guddoomiyaha golaha guurtida waxaanu halkan kaga codsanay guddoomiyaha golaha wakiiladda, fadhigan uu maanta leeyahay golaha wakiiladu inuu noo hakiyo, codsigaas ayaanuna u soo jeedinay.”
Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Ciro ayaa soo jeedintaas ka aqbalay golaha guurtida “Aniga oo ku hadlaaya magaciina ixtiraamayana golaha guurtida codsigaas waanu aqbalnay,fadhiguna waa uu xidhan yahay mudanyaashuna waa ay mahadsanyihiin.”
Fadhigaas xamaasada badan ayaa sidaas ku soo dhamaaday. Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Ciro iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaas Baashe Maxamed oo ay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du arintan waraysi kala yeelatay ayaa siyaabo kala duwan arinta uga hadlay.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo la waydiiyay arinka labada mooshin ee golaha isku hirdiyaaya, waxa uu yidhi“Labada mooshin midna aniga ima soo gaadhin,marka uu isoo gaadho ayuunbaan ka warami doonaa, laakiin kolayba waxaad moodaa golaha inay xamaasad badani ka taagnayd maanta (Shalay).waxaan leeyahay golaha wakiiladu horena ulama dagaalamin xukuumadda maantana dagaal kulama jiro,laakiin si qaawan oo badheedh ah oo cad ayay ugula jirtaa gocmaha golaha wakiilada. Wasiirada ayaana waraaqo la taagan suuqa ay ka saxeexayaan xildhibaanada.”
Guddoomiye Ciro waxa uu ku eedeeyay khilaafka u dhaxeeya isaga iyo labadiisa ku xigeen xukuumadda“Baashe iyo Cali waa saaxiibaday waxii dhacayna qadar Alle ayaan ku xisaabinayaa, maalintaas horena fidnada golaha xukuumadda ayaa ka danbaysay,shir guddoonku inuu kala tago xukuumadda ayaa ka danbaysay.”
Guddoomiye ku xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax oo la waydiiyay laba mooshin ee golaha isku hirdiyaaya waxa uu yidhi “Anigu maan arkin mid anaga nalagu ridaayo,laakiin waxaan arkay xildhibaanada golaha aqlabiyadiisu,waxa la yidhi 42 ayaa lagu ridayaa labada guddoomiye ku xigeen gudoomiyuuna 55 ayuu ahaanayaa, shir gudoonbaana laysku yidhaahdaa, waxa ay soo jeediyeen in sadexdayadaba 42 laga dhigo.”
Baashe oo la waydiiyay in xukuumaddu ay golaha faraha kula jirto sida uu guddoomiye Ciro ku eedeeyay waxa uu yidhi “Hadalkaas waxba kama jiro, guddoomiyahuna waxa uu u adeegayaa qolada la yidhaahdo badbaado oo tidhaahda shirbeeleed ayaa dalka lagu celinayaa qoladaas ayaana isaga dabada ka riixaysa,xukuumaddun cid ay dabada ka riixaysaa ma jirto, golahu isaga ayaa talada gaadhay isagaana soo dhigay.”
Baashe oo la waydiiyay in ay aqbalayaan hadii dhexdhexaadin golaha guurtidu uu ula yimaado waxa uu yidhi“Guurtida wali maanan wada hadlin,laakiin guurtidu waxay codsadeen in fadhigii dib loo dhigo iyaga oo ka baqaayay nabadgalyo daro, laakiin anaga namay odhan waxabaanu dhexdhexaadinaynaa,hadii ay na soo dhex galaana waanu aqbalaynaa.”