Golaha Guurtida Oo Ansixiyay Xeerka Duulista Iyo Hawada

0
549

Picture1

Hargeysa(Geeska)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa  cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka duulista iyo hawada oo muddooyinkii ugu danbeeyey hor yaalay.

Fadhigii ay Guurtidu ku ansixisay Xeerkan oo Shalay ka dhacay Xaruntooda ayaa waxa  Shir gudoominayey Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan  waxaana kalfadhigaas goob joog ka ahaa kana soo qaadiray  47-xildhibaan waxaana xeerkan ogolaaday 34 xildhibaan, waxa diiday 9 xildhibaan waxaana ka aamusay 4 xildhibaan, Guddoomiyuhuna muu codayn

Waxa sidaas ku ansaxay xeerka duulista somaliland oo hore uga soo gudbay golaha wakiiladda