Golaha Ammaanka Oo Ka Tashanaya Qaraar Uu Ingiriisku Diyaariyay Oo Ka Dhan Ah Dawladda Soomaaliya

0
1362

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Dalalka shanta ah ee  golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka tashanaya qaraar qabyo ah oo ku saabsan dawladda Soomaaliya oo ay dawladda Ingiriisku soo diyaarisay.

Golaha ammaanka ayaa jimcihii waxay yeesheen kulan ay kaga tashanayeen jawaabta ay ka bixin doonaan go’aanka ay dawladda Soomaaliya ku caydhisay ergaygii Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom, waxaanu goluhu dhagaystay qaraar qabyo ah oo ay dawladda Ingiriisku soo diyaarisay.

Sida ay wakaaladda wararka ee AP u sheegeen diblomaasiyiin xogogaal ahi, dawladda China oo ka mid ah dalalka golaha ammanka ayaa dalbatay in la siiyo wakhti lagu soo indho-indheeyo qaraarka uu Ingiriisku diyaariyay. Waxaana la isku raacay in la helo maalmo lagu soo eego qaraarka Ingiriiska.

Sida ay AP sheegtay qaraarka, ayaa wuxuu nuxur ahaan sheegayaa in golaha ammaanku uu si buuxda u taageersanyahay xafiiska Qaramada Midoobay ee uu madaxda ka ahaa danjire Haysom iyo hawlihiisa shaqo, waxaanu dawladda Soomaaliya ka dalbanayaa inay si buuxda ula shaqayso Qaramada Midoobay.

Geesta kale qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska ayaa waxa uu Faransiisku go’aankii ka dhanka ahaa Haysom ku tilmaamay mid dhinac keliyi uu gaadhay.

Qoraalka waxaa lagu muujiyey inay Dowladda Fraansiiska taageero buuxda u hayaan Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha Somaliya, Nicholas Hansom, isla markaana uu yahay Mas’uul xushmad loo hayo, kuna guuleystay dadaalkiisa ku aadan Nabadda, xilka uu ka hayo QM iyo tan dalka uu ka soo jeedoa ee South Afrika, waa sida hadalka loo dhigay.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska waxay kaloo qoraalkooda ku xaqiijiyeen inay taageero buuxda u hayaan Hay’addaha Qaramada Midoobay  iyo kuwa ay wada-shaqeynta leeyihiin ee ku sugan gudaha Somaliya, kuwaasi oo ay ku jiraan Midowga Afrika iyo Midowga Afrika, kuwaasi oo  kaalin  muuqata ka qaata sidii Deganaansho loogu soo dabaali lahaa Somalia.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here