Go’aanka Maxkamadda Sare Oo Ayiday Muddo Kordhintii Guurtida, Cirro Iyo Faysal Oo Qadhaadhka Ku Liqay Go’aanka Iyo Dareenka Muuse Biixi

0
551

Picture4Hargeysa(Geeska)-Maxakamadda Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa shalay go’aan ka soo saartay dacwadii ku saabsanayd muranka ka dhashay muddo kordhinta xukumadda iyo wakiillada.

Maxakamadda ayaa ka gar naqaysay go’aankii guurtidu 11-kii May mudo xileedka ugu kordhisay Madaxweynaha,kuxigeenkiisa iyo golaha wakiillada ee ahaa in doorashada la qabto March, 2017-ka iyo go’aankii xisbiyada iyo xukumaddu iskula qaateen in doorashada la qabto December, 2016-ka.

Labadaasi go’aan oo muran ka dhashay ayay maxakamaddu raacday go’aanka guurtida ee ahaa in doorashada la qabto March, 2017-ka, waxaanay sheegtay in go’aanka kaliya ee sharciga waafaqsani kaas yahay.

Dhinacyada doorashadu khusayso ayaa goob joog ka ahaa ku dhawaaqista go’aanka maxakamadda sare ee Somaliland, waxaanu go’aanka maxkamadda sare oo uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamada sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed u dhignaa sidan “Go'aanka Maxakamadda sare

Maxkamada Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland

Markii ay  aragtay   Qodobka 98aad, Faqradda 1aad, Xarafka (b) oo sheegaya in Garsoorku awood u leeyahay fasiraadda macnaha xeerarka kasoo baxa Golayaasha Dastuuriga ah, iyo Xarafka (j) oo ah in uu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka  JSL.

Markay aragtay  Qodobka 15aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka ee JSL, Faqradda 1aad, Xarafka (b) oo sheegaya macnaynta iyo fasiraadda Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka lagaga dhaqmo marka la isku qabsado nuxurka ujeeddadooda, iyo Faqradda 11aad oo sheegaysa in Maxkamadda Dastuuriga ahi ka taliso muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka oo ay laba dhinac isku hayaan.

Markay Daristay Warqada Madaxweynaha JSL. ee Lr. JSL/MD/100-3450/082015, kuna saabsanayd Codisaga Fasiraad ee uu ka dalbaday Maxkamada Dastuuriga ah kuna taariikhaysan 08/08/2015

Markay Daristay    Go’aanka mudo kordhinta ee  Golaha Guurtida JSL ee Ref/G/G/JSL/Go’aan Lambar 04/05/2015 kuna Taariikhaysan 11/05/2015.

Markay Daristay   Heshiiska Saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, WADANI iyo UCID isla markaana uu  Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Golo joog ka ahaa  Kuna Taariikhaysan 27/05/2015

MAXKAMADDU WAXAY KU SABABAYSAY QARAARKEEDA ASBAABTAN HOOS KU XUSAN

·In Madaxweynaha JSL  uu dalbaday kaliya in tafsiir lagu sameeyo labada xili doorasho ee  ay kala tilmaamayaan Go’aanka Golaha Guuritida iyo Heshiiskii Saddexda Xisbi Qaran.

·In aanu Madaxweynuhu ka  dalban Maxkamada  fasiraad ku saabsan in Go’aanka muddo kordhinta ee Madaxwaynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Golaha Wakiillada ee Golaha Guurtidu  kordhiyas waafaqsan-yahay  Dastuurka JSL iyo in kale,  isla markaana aanay jirin cid durtay.

·In aanu jirin Heshiis Midaysan oo saddexda Xisbi Qaran u Gudbiyeen Golaha Guurtida intii aanay samaynin Mudo Kordhinta, isla markaana Xisbayada Qaranku ay heshiiskooda, Qodobka 1aad, ku ixtiraameen Go’aankii Golaha Guurtida.

·In Gudida Doorashadu cadeeyeen in aan farsamo ahaan doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenku  ku qabsoomayn  26/06/2015.

·In muddo xileedka  5-ta sano ee  ay doorashada ku yimaaddaan Madaxweyenaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Golaha Wakiilada iyo muddada uu kordhiyaan Golaha Guurtidu marka ay 5-ta  sano ee ay doorashada ku yimaaddeen  ay dhammaato, si waafaqsan Qod. 83aad Faqradiisa 5aad iyo Qod. 42aad Faqradiisa 3aad ee Dastuurka JSL,  ay leeyihiin ku dhaqan sharci oo isku mid ah

·In Golayaasha Qaranku ( Fulinta iyo Xeer dajinta) ay isku mid yihiin awoodooda sharci ee muddo xileedka ay doorasho ku yimaaddaan iyo muddada loo kordhiyo  aftidii Dastuurka ee 2001 horteed iyo dabadeedba. Tusaalena waxa ah in Xeer-dajintu iyaga oo ku fadhiya Mudo kordhin ay abuureen Xeerar cusub, ansixiyeen Gudiyo iyo Masuulyiiin Qaran, iwm. Dhinaca kale  aftidii dastuurka ee 2001-dii horteed iyo dabadeedba waxa jiray  Madaxweynayaal kala duwan  oo dalka soo maray saxeexayna   Xeerar iyo Mashruucyo sharci si ay u dhaqangalaan, isla markaana  magacaabay Masuuliin Qaran iyo  Gudiyo, waxa kale oo ay qaateen Go’aano Masiiri ah iyaga oo ku fadhiyay Mudo kordhin.

·In awoodda muddo kordhinta Golayaasha Kala Duwan ee Qaranka Marka ay ka dhamaato muddo xileedka ay doorasho ku yimaaddeen uu leeyahay Golaha Guurtidu si  waafaqsan Qod. 83aad Faqradiisa 5aad iyo Qod. 42aad Faqradiisa 3aad ee Dastuurka JSL.

Sidaa darteed Maxkamada Dastuuriga ah JSL waxay soo saartay Qaraarkan:

QARAAKA FASIRAADDA MAXKAMADDA DASTUURKA

Maxkamada Dastuuriga ahi waxa ay soo saartay  Qaraarkan Fasiraadda ah ee  soo socda:

·Waxa ay Go’aamisay Maxkamaddu ku dhaqanka xilliga qabsoomida doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Golaha Wakiilada in uu noqdo sida ku cad Faqradda B, Qaybteeda 5aad ee Go’aanka Guurtida kuna beegan bil ka hor dhamaadka muddada xilka loo kordhiyay Madaxeynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo Golaha Wakiilada JSL oo ku dhamaanaya 27/4/2017, si waafaqsan Qod.83, Faqrada 2aad iyo Qod.42aad Faqrada 2aad iyo 3aad ee Dastuurka JSL.

·Waxa ay Maxkamaddu laashay  heshiiska Saddexda Xibsi Qaran ee KULMIYE, WADDANI IYO UCID ee ku taariikhaysan 27/05/2015 mana laha wax dhaqan-gal sharci ah maadaama Golaha Guurtidu aanay aqbalin soojeedintii Xisbiyada si wax kabadal iyo kaabid loogu sameeyo Go’aanka mudo kordhinta Golaha Guurtida  ee ku taariikhaysnaa  11/05/2015.

·         Waxa ay Go’aamisay Maxkamaddu in maalinta Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo Golaha Wakiiladu noqoto 28/03/2017 kuna beegan Bil ka hor dhamaadka Mudada xilka loo kordhiyay oo ah 27/04/2017. Waana in si rasmi ah u soo cayinto Gudidda Dooraashooyinka Qaranku isla markaana waa in Madaxweynuhu ku soo saaro Degreeto sida uu dhigaayo Qod: 8aad ee Xeer Lr/20/2001.

·         Waxay Go’aamisay Maxkamaddu in mudo Xileedka 5 (shanta) sano ee  ay doorasho ku yimaaddaan  Madaxweyenaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Golaha Wakiilada iyo Muddada uu Kordhiyo Golaha Guurtidu marka ay 5ta sano ee muddo xileedka doorasho ay  ku yimaadaan dhamaato si waafaqsansan Qod. 83aad Faqradiisa 5aad iyo Qod. 42aad Faqradiisa 3aad ee Dastuurka JSL  ay isku mid yihiin, leeyihiina dhaqan-gal sharci oo isku mid ah.

· Qaraarkan fasiraadda ah waxa ay Maxkamaddu soo saartay maanta oo taariikhdu tahay 18/08/2015.”

Dareenka Xisbiyada qaranka

Geesta kale Guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland ee UCID, Waddani iyo KULMIYE ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay maxkamadda sare ka soo saartay  muddo kordhintii guurtida iyo heshiiskii xisbiyada qaranka.

Md. Muuse Biixi, Md. Faysal Cali Waraabe iyo Md. Cabdiraxmaan-Cirro ayaa dareeno kala duwan ku soo dhaweeyay go’aankan, “Go’aanka maxkamadda sare soo saartay sidiisaan ku qaadanay.” Waxa sidaas hadal kooban ku yidhi guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cirro oo sidoo kale ah guddoomiyaha Golaha wakiilada. Md. Cirro ma raacin wax hadal ah oo kale, waxaana laga dareemayaa Cirro inuu si qadhaadh u liqay go’aanka maxkamadda oo uu is dhaafiyay.

Md. Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna yidhi “In la ogolaado go’aanka maxkamadda sre waa lagu qasbanyahay inkastoon go’aankaas u aragno mid waxyeelo badan dalkeena gaadhsiinaya haddana waanu ogolaanay, waa maxkamadeenii sare ixitraam ayay inaga mudantahay.” Sidaas ayuu Faysal lftiisuna yidhi, waxaanu u muuqdaa in hadal kasta oo uu odhan lahaa uu haddana ixtiraamay maxkamadda sare.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo isaga wejigiisu ka duwanaa muuqaalka labadan hoggaamiye ee mucaaradka ah ayaa yidhi “Maanta maxkamadii sare ayaa qaraar ka soo saartay arrintii mudadaba la hadal hayay ee ay xisbiyadu ka doodayeen waxaanay soo saartay qaraar ah in al raaco kii guurtida, hadalkiina halkaas ayuu ku dhammaaday siduu yahay ayaa loo fulinayaa, waana doorashada oo aan u diyaar garowno.”