Garyaqaankii Guud Ee Somaliland Oo Noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliya

0
530

Muqdisho(Geeska)-Garyaqaankii guud ee Somaliland Ibraahim Iidle Saleban, oo Arbacadii hore iska casilay xilkii uu hayay, ayaa waxa uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud shalay u magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliya.

1

Mr. Iidle, ayaa bedelaya guddoomiyihi hore ee maxkamadda sare ee Somaliya Caydiid Ilkaxanaf oo uu Xasan Sheekh xilkii ka qaaday.

Ibraahim Iidle Saleban, ayaa wuxuu ku maqnaa fasax uu ka qaatay Madaxweyne Siilaanyo, isagoo dalka Koonfur Afrika u joogay waxbarasho ay dawlada Somaliland ka bixinaysay iyadoo uu mushaharkiisiina u socdo.

Hase yeeshee bishan ayuu dalka dib ugu soo noqday isagoo markii uu toddobaadkii hore safar ku tagay dalka Kenyana soo diray warqadiisii is casilaadda.