Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay qarax shalay ka dhacay magaalada Garoowe. Qaraxan ayaa lala beegsaday baabuur bas ah oo ay saarnaayeen shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ku sii jeeday goobta shaqada ee hay’adda UNICEF.
War saxaafadeed kasoo baxay hay'adda UNICEF ayaa lagu sheegay in afar ka tirsan dadka dhintay ay hay'adda ay u shaqaynayeen. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in la tuhnsan yahay in uu sababay qof isa-soo miidaamiyay oo baabuurka isku qarxiyay.
?Qaraxa ayaa dhacay abaarihii 8-da subaxnino, waxaana uu dhacay wax yar kadib markii shaqaaluhu ay ka baxeen dhisme ay ka degganaaayeen magaalada.
Afarta qof ee ajanabiga ah ayaa la sheegay inay kala yihiin; 2 u dhalatay Kenya, mid u dhashay Uganda iyo mid u dhashay dalka Afghanistan.