Gar-yaqaan Soo Jeediyey In Jinsiyadda Lagala Noqdo Dadka Reer Somaliland Ee Xilalka Ka Haya Ama U Doonta Soomaaliya

0
242

Hargeysa (Geeska) – Cabdiqani Xasan Axmed oo ka mid ah Sharci-yaqaannada Somaliland, ayaa ka hadlay waxa sharciga Somaliland ka qabo Siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee Xilalka ka haya ama ka doonaya Dawladda Soomaaliya.

Gar-yaqaan Cabdiqani Xasan Axmed oo daba socda Heshiis ay Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (khadar) iyo Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ka gaadheen habka loo qabanayo doorashada Aqalka sare ee Xildhibaannada la sheegta inay Somaliland ku matalaan Soomaaliya, ayaa sheegay inay arrintaasi khalad sharci tahay isla-markaana ay muhiim tahay in Dawladda Somaliland tallaabo Sharciga waafaqsan ka qaaddo.

Gar-yaqaankan oo u warramay Warbaahinta Arabsiyo News, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi  “Warqad baa ka soo baxday Dalka Aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, Warqaddaasi oo ku taariikhaysnayd 19/09/2021, taasi oo lagu sheegay in laga heshiiyey habka loo galayo doorashada, Dadka sheegayaa inay ka heshiiyeen, waxay sheegayaan inay matalayaan Dadka Somaliland, sidaana waxa sheegay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).”

Gar-yaqaan Cabdiqani wuxuu sheegay oo kale  “Soomaaliya markii uu Talyaanigu ka baxay 1960-kii waxay sameeyeen xeerka Jinsiyadda oo la yidhaahdo Xeer Lr. 9/1960, Somaliland-na markii Ingiriisku siiyey Xorrimada waxay lahaayeen Xeerka Jinsiyadda, xeerkaa waxa la yidhaahdaa ‘Xeerka Jinsiyadda Somaliland, Xeer Lr 15’/1960, markaa maaddaama oo ay laba xeer Jinsiyadeed leeyihiin waa laba Dal oo kala gaar ah, xilligaa way midoobeen Somaliland iyo Soomaaliya, labadii Xeer ee Jinsiyadeed waalla baa’biiyey oo waxa la sameeyay xeer saddexaad oo Jinsiyadeed, xeerkaa saddexaad waxa la yidhaahdaa Xeer Lr 28/1962, wuxuu sheegayaa in labadii Xeer ee Somaliland iyo Soomaaliya la baa’biyey laguna mideeyay xeer Lr. 28, noqdeena Muwaadiniin Soomaaliyeed, Muwaadiniin Somaliland-na ahna maaha, Muwaadiniin Soomaaliya ahna maaha ee waa Muwaadiniin Soomaaliyeed.  Xeerkaas oo halkaa yaalla ayay Somaliland la soo noqotay Madax-banaanideedii, waxayna kala soo noqotay Soomaaliya, Soomaaliyana waxay ka baxday Dawladdii lagu midoobay, waxayna samaysteen Dastuur, Somaliland-na waxay samaysatay Xeer Jinsiyadeed oo la yidhaahdo Xeer Lr. 22/2002, markaa Dastuurka Soomaaliya Qodobkiisa 58-aad wuxuu Dadka Somaliland ka dhigayaa Ajaanib, Dadka uu Muwaadiniinta ka dhigayaa waa Dadkii 1960-kii lahaa Xeer Lr. 9…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa Warqadda Heshiisku waxay sheegaysaa inay yihiin Muwaadiniin ka soo jeeda Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Somaliland, meel alaale iyo meel ay Sharciga ka waafaqsan tahay ma jirto, Muwaadinka Somaliland iyo Muwaadinka Soomaaliya waxa midayn lahaa Dalkii lahaa Xeer Lr. 28, dalkiina ma jiro. Markaa marna doorashada Soomaaliya kama qayb-geli karaan Somaliland, Dawladda Somaliland-na waxa ku waajib ah inay arrintan Tallaabo Cad ka qaaddo oo Sharciga waafajiga, hore waxay u sheegtay in aanay Dadkaasi matalin, laakiin Matalaad la iskuma haysto ee waxa la isku haystaa ka tirsanaan, Dadkaasina waa Muwaadiniin Reer Somaliland ah oo ku gafay Xeerka Jinsiyadda Somaliland Xeer Lr 22/2002, Xeerkaa Farqaddiisa 7-aad wuxuu sheegayaa qofka ku gefa Jiritaanka iyo Madax-banaanida Somaliland ama soo raaca Cadowga Somaliland, waa lagala noqon karaan Jinsiyadda Somaliland, Jinsiyadda waa lagala noqon karaa Dadka Somaliland ku sheegayana sifaha Sharci-darrada ah..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office